Golaha Guurtida oo Guddi u saaray Xeerka ilaalinta Xuquuqda Carruurta Somaliland

0
553

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa guddo galay xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta Somaliland ee xeer Lr- 102/2022, kaasi oo ka soo gudbay Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Inta badan xildhibaanada ka qayb qaadanayay dooda xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta Somaliland, ee xeer Lr. 102/2022 ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro soo saxda qodobada sharci ee xeerkani ku jira.

Haddaba markii ay dooda xeerkaasi dhammeeyeen mudanayaashu, waxa uu guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, xildhibaanada ku wargeliyay in xeerkan ay soo naaqishi doonaan guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golahaasi.

Waxaanu guddoomiye Saleebaan ku adkeeyay in ay maanta oo isniin ah maalinteeda ay keenaan xeerkaasi oo dhammeystiran.

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply