Waftigii Somaliland ee safarka ku joogay Taiwan oo dib ugu soo laabtay Dalka

0
440

Hargeysa (Dawan) – Waftigii Somaliland ee booqashada ku joogay Taiwan, ayaa sheegay in ay kusoo guulaysteen safarka, isla markaana dhamaan codsiyadii ay ula tageen Taiwan, oo uu kamid yahay taageerada Kalluumaysiga laga aqbalay.

Waftiga ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimada Hargaysa, isla markaana wasiirka arrimaha dibada Dr.  Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ee safarkoodu uu ahaa sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, taana ay kusoo guulaysteen.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu ku tagnay halkaa arrimo door ah oo ay ugu horrayso sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo labada dad, aadna waanu ugu soo guulaysananay”

Wasiirka ayaa sheegay in ay Taiwan kala hadleen, sii horumarinta mashaariic hore u socday oo caafimaadku ugu horreeyo, iyo heshiisyo cusub oo ay kamid tahay horumarinta kalluumaysiga iyo xoolaha.

Waxaanu yidhi.”Safar kaasi waxa uu noo suuragaliyay, in aanu kusoo guulaysano dhamaan mashruucyada aanu halkaa la tagnay, qaar socday sida caafimaadka oo kale, iyo qaar cusub intaba, waxa kamid ah kalluumaysiga iyo xoolaha, caafimaadka, ICT-ga, macdanta iyo shidaalka”

Waftiga ayaa ka kooban wasiirka arrimaha dibada Dr. Ciise Maxamuud Kayd, wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub Maxamed, wasiirka maalliyada Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka qorshaynta Cumar Cali Cabdillaahi.

Leave a Reply