Ronaldo oo aan Abaar Gool La’aan ahi ku Dhacday, Goorma ayaa ugu Dambaysay inuu Shabaqa Taabto?

0
437

Cristiano Ronaldo ayaa ku caan ah gool dhalinta isaga oo dhaliyay goolal badan xirfadiisa ciyaareed Laakiin xiddiga reer Portugal ayaan wax gool ah dhalin sanadka cusub ee 2022 ilaa haatan.

Xiddiga ayaa haatan ku niyad jabsan Man United isaga oo aan wax gool ah dhalin ama caawin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay halka uuna sidoo kale caawiye ka noqon wax gool ah.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Cristiano Ronaldo gool dhaliyay ayaa ahaa kulankii 30 bishii December ee ay la ciyaareen kooxda Burnley.

Ronaldo ayaa ku jira abaartii ugu badnayd ee dhanka goolasha ah ee xirfadiisa ciyaareed taas oo xaalka ku sii xumaysay kooxda Man United oo dhankeeda ku jirta xaalad xun.

 

Leave a Reply