Madrid oo Xagaaga Soo Socda Iibinaysa Casemiro iyo Koox Weyn oo Albaabada u Furtay

0
341

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayso inay iibiso kubbad-burburiyaheeda Casemiro marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee foodda inagu soo haya, waxaana durba albaabada usii furatay koox weyn oo diyaar u ah inay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo sidii ay ku heli lahayd.

Casemiro oo ay da’diisu tahay 29 jir ayaa tiir-dhexaad u ah Real Madrid, waxaana xilli ciyaareedkan socda uu u saftay 31 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, isaga oo ku darsaday afar gool oo uu caawiye ka  noqday.

Heshiiska uu Casemiro kula jiro Real Madrid ayaa soconaya illaa June 2025, waxaana ka hadhsan saddex xilli ciyaareed oo kale oo aanu ku jirin midka hadda socda, hase yeesshee Florentino Perez ayaa la sheegay in uu diyaar u yahay in uu kooxda ka diro laacibkan oo uu lacag ku beddesho.

Sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa Spain, Casemiro oo lama-taabtaan u ah Carlo Ancelotti ayuu Perez doonayaa in uu kaashaysto marka uu xilli ciyaareedku dhamaado, waxaana uu beddelkiisa fursad siinayaa ciyaartoyda da’yarta ah.

Sababta ku kallifaysa Florentino Perez in uu iibiyo Casemiro ayaa la sheegay in uu doonayo lacag kaash ah oo uu ku iibsado weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo Real Madrid ay doonayso inay ka hor qaaddo dersin kooxo waaweyn oo reer Yurb ah oo ku dagaallmi doona.

Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa la rumaysan yahay inay diyaar ula tahay lacag kaash ah oo ay ku iibsato Casemiro, hase yeeshee ma jirto cid kooxda ah oo uu wargeysku soo xigtay ama xaqiijisay warkan.

Casemiro ayaa Real Madrid u saftay 317 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu kula guuleystay laba horyaal oo LaLiga ah, hal Copa del Rey, afar Champions League iyo koobab kale  oo maxalli iyo caalami isugu jira, sida Spanish Super Cup, UEFA Super Cup iyo Club World Cup.

Leave a Reply