- Aamuska wuxu ku barayaa dhegaysiga wangaasan kaasi oo aanay helin dad badani. Isku day inaad hesho weligaa xikmadaasi, kumana fashilmaysid dadaalkaaga wakhti kasta iyo meel kasta”. Ibrahim Fiqi .
- Guushaadu waxay ku xidhan tahay riyadaada, Maaha riyada hurdada waa tan soo jeedka ee uu weheliyo dadaalkaagu. Aniis Mansuur
- Denbiyadu qalabiga waxay uga dhigan yihiin Sun, haddii aanay dilin way daciifiyaan. Sh. Cusyamin
- Qofba wuxu ku dagan yahay halkuu daacad kaga hadho.Hadraawi
- Haddii qaawinada jidhku horumar tahay, xayawaanka ayaa Aadamiga ku fiican. Sakir
- Wakhtigu maskax uu isku hagaajiyo malaha, qofka maskaxda leh ayaa hagaajiya.
- Dhamaan Shimbiruhu waxay raadsadaan hoy ay ka galaan marka roobku da’ayo laakiin gorgorka daruuruaha ayuu kor mara si uu uga fogaado roobka.