Saddex Milyan oo Madaxweynaha JSL Bixiyay ayaa lagu Bilaabay Gargaarka” Faysal C. Sheekh

0
355

Tobanka booyadood ee xukuumadu 24 saacadood-ba biyo-dhaamis xoolaha iyo dadka ayey ku jiraa.”

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Hay’adda U Diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka  Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in saddex milyan dollar oo Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ku yaboohay lagu bilaabay hawsha gurmadka abaaraha, isla markaana uu si dhow ula socda halka ay marayso hawsha gurmadka shacabka ee gobolada dalka, waana diyaar waxii dheeraad loo baahdo, mar uu ka hadlay xaalada abaaraha dalka ka jira, halka ay marayso shaqada Guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha iyo hay’adoodu ka qabteen iyo qorshahooda mustaqbalka, isagoo raaciyey in shacabka Somaliland ee abaarahu saameeyeen ay u ogolaadeen, soona dhoweeyeen in dadka ka soo hayaamay Soomaaliya iyo Itoobiya ay la qeybsadaan gurmadka xukuumadu soo gaadhsiisay ee raashinka iyo biyaha.

Gudoomiye Faysal oo shalay xafiiskiisa ugu waramay Suxufi Maxamuud Walaaleye oo wargeyka Dawan ah ayaa sheegay inay toban kun oo qoys oo ku kala nool gobolada Sanaag, Sool iyo Togdheer iyo degmooyinka hoos yimaada gaadhsiiyeen gurmad raashin iyo biyo, isla markaana gurmadii biyaha iyo raashinka ay fuliyeen wejigiisa koowaad, balse hawlaha gurmadu iyo baaxada saamaynta abaarahu ku yeesheen dalka ay balaadhan tahay, waxaanu ugu baaqay ganacsatada, hay’adaha Qaramadda Midoobay iyo dalalka caalamku inay ka soo jawaabaan baaqyadii gurmadka ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaarahu soo saareen.

Gudoomiye Faysal Cali oo la weydiiyey xaalada abaaraha dalka iyo kaalinta ay ka qaateen guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha oo Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi horaantii January ku dhawaaqay, isla markaana uu gudoomiye u yahay Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Saylici oo, Gudoomiyaha Hay’adda NADFOR xubin ka yahay ayuu sheegay inay dedaal weyn balaadhan hadh iyo habeen ku jiraan inta awoodooda,  maadama abaar baahsan ayaa dalka ka jirta, markii aanu xaalada soo sahaminay waxaan warbixin u gudbinay Madaxweynaha JSL, taasoo kalfadhigii 83aad ee golaha Wasiirada uu Madaxweynahu ku magacaabay Guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran, oo sideed Wasaaradood iyo Hay’adda NADFOR xubin ka tahay ka kooban. Kulamo badan ayey Guddiga Qaran ee Gurmadka  abaarahu la yeesheen hay’adaha Qaramadda Midoobay, kuwa Caalamiga iyo maxaliga ah, wakiilada safaaradaha dalka jooga, waxa kaloo kulamo lala yeeshay ganacsatada iyo culimada oo la xidhiidha xaaladaha abaaraha dalka iyo kaalinta looga baahan yahay.

“3 milyan dollar oo raashin ku jiro ee Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi bixiyey ayaa lagu  bilaabay gargaarka dadka, si dhowna wuu ula socdaa hawlahii gurmadka abaaraha ee gobolada dalka, waana u diyaar waxii dheeraad ah ee loo baahdo” ayuu yidhi Gud Faysal.

Mar uu ka hadlayey gurmadka ay ilaa xilligan qabteen ayuu sheegay in toban booyado oo xukuumadu lahayd la hawlgeliyey 18 November, si ay biyo-dhaamis ugu sameeyaan waxa loo qeybiyey deegaamada goboladda Barriga, laba booyadood gobolka Sanaag, laba booyadood Togdheer, booyad gobolka Oodweyne la geeyey, iyo booyad barriga Berbera joogta.

“Tobanka booyadood ee xukuumadu 24 saacadood-ba biyo-dhaamis xoolaha iyo dadka ayey ku jiraa.” ayuu raaciyey.

Waxa kaloo xukuumadu ka fulisay biyo-dhaamis goboladda Sanaag, Sool, Togdheer iyo dhamaan Degmooyinka iyo tuulooyinka hoosyimaada muddo 15 maalmood ah iyadoo 540 booyadood loo kireeyey. Imikana waxa la bilaabay wejigi kale oo biyo-dhaamis ah taasoo kharashkeedii xukuumadu bixisay.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlayey kaalinta hay’adaha Qaramadda Midoobay iyo kuwa Caalimigu ka qaateen hawlaha gurmadka abaaraha ayaa sheegay in Hay’adaha dalka jooga bilaabeen inay wax ka qabtaan biyo-dhaamiska, taasoo Save the Children, World vision, iyo Islamic Relief ay biyo dhaamis ka bilaabeen gobolka Togdheer. Sidoo kale hay’ada FAO ayaa bilaabaysa biyo dhaamis.

Waxuu sheegay in ceelashii ku yaalay meelaha abaarahu ka dhaceen ee Gobolada Barriga ay guddiga Gurmadka heer Qaran ee abaarahu bilaabeen inay dayactiraan, iyadoo hore qaar badan Wasaaradda Biyahu u dayactirtay. Ceelasha ilaa xilligan la hawlgeliyey waa 47 ceel. Waxa kaloo jira ceelal cusub oo Wasaaradda Biyahu qoday, iyadoo hay’adda UNICEF la kaashanaysa., sida magaalada Guumays oo la dhamaystiray qoditaankiisa, mishiinkiina dhowaan lagu rakibayo, waxa jira laba cee loo xukuumadu ka qoday gobolka Saraar oo muddo dhow qalabkii mishiinka iyo deynabada lagu xidhayo.

Mar uu ka hadlayey tirada dadka ilaa wakhtigan ay abaarahu saameeyeen, iyadoo guud ahaan dalka ay wada saamaysay miyi iyo magaalo, meel walbana laga dareemayo ayuu sheegay Gudoomiye Faysal in qiimayntii ay soo sameeyeen lagu ogaaday in dad gaadhay 810 kun oo qof oo u dhiganta 116 kun qoys, inay soo foodsaartay xaalad raashin iyo biyo la’aan, taasoo xoolahii dadkaasi haysteena saamaynta abaarahu soo gaadheen. Baahida u weyn boqolkiiba 70% dhinaca biyaha, 31% raashinka, iyo 9% xaga caafimaadka ayey ahayd. Waxa gurmadka lagu bilaabay biyo-dhaamiska, imikana wejigii labaad ee raashinka ayaa loo gudbay.

Mar uu sii faahfaahinayey taageerada ilaa wakhtigan ay u geysteen dadkii xaalada abaarahu saamaynta ku yeesheen ayuu sheegay gudoomiye Faysal inay horaantii bisha February u kala direen Gobolada Barriga kooxo u soo qeybiya raashin qoysaskii  la soo calaamadiyey inay yihiin kuwa ugu wax-haynta yar taasoo qoysas gaadhaya 10 kun lagu gaadhsiinayo saddexdaa gobol ee Sanaag, Sool iyo Togdheer.

Waxuu raaciyey in 3400 qoys oo ku kala nool degmooyinka gobolka Sanaag qeybintii raashinka kooxaha gurmadka ka wadaan, taasoo qoys walba lagu siinayey raashin bil ay quutaan oo ka kooban 25 kilo bariis, daqiiq, sonkor, 4 litir saliid iyo afar kilo timir ah, xilligan aan kula hadlayo qeybintii raashinka degmada Ceel-afweyn ayey wadaan. Sidoo kale gobolka Togdheer way ka socotaa raashin qeybintu taasoo 3300 qoys oo dhamaan deeqaamada gobolka Togdheer ah. Gobolka Buuhoodle degmooyinkiisa way socotaa qeybintii raashinku. Gobolka Sool sidoo kale qeybintii raashinku way socotaa lagu gaadhsiinayo 3300 qoys oo ku kala nool dhamaan deegaamadooda.

Wejiga koowaad ee raashin qeybinta 10 kun oo qoys oo u dhigma 116 kun oo qof raashinkooda muddo bil ah ayaa maalmaha soo socda la dhamaynayaa.

Mar la weydiiyey kaalinta ganacsatada dalka iyo inay ka qeybqaateen hawlaha gurmadka abaaraha ayuu sheegay Gudoomiye Faysal inay kulamo badan la yeesheen, isla markaana la sameeyey oo dhowaan uu magacaabay Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Saylici guddi ganacsato iyo culimo soo uruuriya qaadhaankooda, isla markaana jiraan kuwo ballanqaaday biyo-dhaamis ay kaga qeybqaadanayaan sida mulkiilaha World Remit iyo ganacsato kale, balse weli aanay gacantooda waxba soo gaadhin.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay inay qolo walba baaqa gurmadka gaadhsiiyeen, xaaladuna weli adag tahay, taasoo uu sheegay Fadliga Eebe haduu roobku soo degdego ay innaga jabayso mushkilada abaarahu, laakiin haduu roobku raago xaaalada abaarahu iyo saamaynteeda shacabku way ku sii adkaan karaan, taasoo la saadaalinayo in dadka halista cunto la’aantu soo foodsaari karto gaadhi karaan milyan iyo shan boqol iyo laba milyan.

Waxuu sheegay in Guddiga Qaran ee gurmadka abaarahu si weyn ayey u dedaalayaan, iyagoo kaashanaya Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka isla markaana hawlaha ay wadaan ee gurmadka qeyb ka yihiin waxtarka dadka abaarahu saameeyeen ee dalalka jaararkeena Itoobiya iyo Soomaaliya sida Puntland iyo Galmudug, oo dad badan oo ka soo hayaamay soo gaadheen deegaanada Barriga dalka iyo dhamaan deegaamada ku yaal xuduudka aynu la wadaagno itoobiya, kuwaa soo qeyb ka ah dadka loo fidinayo raashinka iyo gurmadka biyaha ee xoolahooda, oo doraad degmada Fiqi-fuliye dadkii raashinka loo qeybinayey ka mid ahaa. Shacabka Somaliland ee abaarahu saameeyeena si fiican ayey u soo dhoweeyeen dadkaa iyo xoolahoodii una ogolaadeen inay la qeybsadaan waxii gurmad raashin iyo biyo ka soo gaadha xukuumada Somaliland. Killilka shanaad ee Itoobiya oo xaalada abaarahu dhinaceena kaga horeysay dadkii ka soo hayaamay dhamaan deegaamada xuduudaha ilaa Wajaale ayey joogaan, inkastoo culays ku soo kordhiyeen goobahii biyo yar iyo baad yar jiray, haddana waa muhiim in waxii la tari karo loo fidiyo waana ka qeyb dadka wax la siinayo meel walba oo ay ka joogaan dalka.

Mar la weydiiyey in dhaqaalahii xukuumadu ku baaqday ee saddexda milyan ay ka bixiyeen raashinka ay qeybinayaan xilligan gobolada dalka ayuu sheegay Gudoomiye Faysal in raashinka ay hay’aan hay’adooda iyo kharashkii xukuumadu bixisay labadaba loo adeegsanayo gurmadka abaaraha ee raashinka iyo biyo dhaamiska iyo kharashka qeybintoodaba, dhaqaalahuna dhici karo inay ka sii bataan, oo xilliganba dalabaadyo kale xukuumada laga sugayo,

“Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi si dhow ayuu ula socda hawlaha gurmadka abaaraha la wado, waana u diyaar waxii dheeraad ah ee la awoodo,” ayuu raaciyey.

 

 

 

Leave a Reply