Dadka ku nool degmada Xudun ee gobolka Sool oo loo qaybiyay raashin gargaar ah oo xukuumaDdu ugu talo gashay.

0
796

Laascaanood (Dawan)  – Dadka ku dhaqan degmada Xudun ee gobolka Sool ayaa loo qaybiyay raashin gargaar ah oo xukuumadDu ugu talo gashay in lagu quudiyo dadka abaaruhu ay saameyeen.

Raashin oo loogu talo galay in ay quutaan 150 qoys ayaa Hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranku ay u qeybisay dad ku nool gudaha magaalada Xudun iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Xudun.

Waxa dhankooda halkaasi ka hadlay odayaal ku hadlayay magaca dadka deegaanka oo ka mahad celiyay gargaarka xukuumaddu ay gaadhsiisay, taasoo ay sheegeen in loo baahan yahay in loo soo kordhiyo maadaama baahidu ay aad u badan tahay.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo Raashinka Keydka Qaranka Faysal Aw Jaamac oo ka hadlay deegaanka Yagoori oo ay gargaar gaadhsiiyeen ayaa sheegay in ay wali ku gudo jiraan qeybinta raashinkii ay ugu talo galeen dadka abaaruhu ay saameyeen ee ku gobolada bariga Somaliland.

Gabagabdii Maayirka Magaalada Xudun iyo dadweynaha ku dhaqan deegaanka Yagoori ayaa u mahad celiyay xukuumada gargaarka ay lasoo gaadheen dadka abaartu ay saamaysay.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo Raashinka Keydka Qaranka Faysal Aw Jaamac waxaanu yidhi.“Maanta waxa aanu joogna degmada Yagoori, oo aanu ka qaybinaynay raashinkii loogu tallo galay gobollada bariga, gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer, tobankii kun ee qoys saamigeedii, maayirka iyo guud ahaan bulshada degmada Yagori waxa aanu uga mahadcelinaynaa sida habsamida leh ee ay noogala shaqeeyeen, ee ay noogala wareegeen.

Raashinkani waxa uu qayb ka yahay raashinkii xukuumadda Somaliland u qorshaysay in ay wuxuun ka gaadhaan bulshada abaaruhu saameeyeen, biya dhaanka hore ayaa loo keenay, haddana waa uu soo soconayaa”

Leave a Reply