Guddoomiyaha gobolka Hawd oo kormeer kusoo maray Laan-barwaaqo iyo deegaanno kale oo ay saamaysay abaartu.

0
585

Balligubadle (Dawan)  – Badhosaabka gobolka Hawd Axmedyaasiin Maxamed Faarax iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa kormeer ay ku indho indhaynayaan xaaladda abaarta ka jirta deegaannada gobolka Hawd, kusoo maray Laan-barwaaqo iyo deegaanno kale oo ay saamaysay abaartu.

Badhasaabka gobolka hawd ayaa warbixino la xidhiidha abaarta ka dhagaystay dadka ku dhaqan deegaamada ay kor meerka ku tageen.

Waxaana si faah faahsan uga hadlay xaalada abaara odayaasha deegaanka, waxaana warbixinta ka dib halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Hawd Axmed Yaasin Maxamed Faarax oo sheegay in xukuumadu ka war qabto duruufaha iyo abaarta baaxada weyn ee ka jirta dalka iyo deegaanka gobolka hawd, waxaanu Ilaahay uga baryay in abaarta uu kasoo jabiyo guud ahaan dalka.

Waxaanu intaa ku daray in xukuumadu in awoodeeda ah ay ku dadaalayso in ay wax gaadhsiiso dadka itaalka daran.

Leave a Reply