Barca oo Tallaabooyin u Jirta Xiddiga ugu Wanaagsan Brazil Waqtigan iyo Lacagta ay Dul-dhigtay

0
275

Mateu Alemany ayaa weydiiyey Ramon Planes bilowgii xagaaga, haddii uu jiro ciyaartoy ay suurtogal tahay in ay Barcelona kala soo wareegi karayso kooxda reer Brazil ee Santos, halkaas oo ay ku sugan yihiin xiddigo da’yar u badan oo ay indhuhu hayaan.

Santos ayaa sannadihii ugu dambeeyey ahayd warshadda quudisa Barcelona ee sida gudud ku siisa ciyaartoyda da’yarta ah, waxaana xiddigaha ay ka iibiyeen ka mid ahaa Neymar Junior oo ay kooxda reer Spain sannadkii 2017kii kasii iibisay PSG, illaa haddana ah ciyaartoyga ugu qaalisan adduunyada.

Barcelona oo ciyaartoygii ugu dambeeyey ee Brazil ay kasoo iibsato uu ahaa Matheus Fernandes oo waqtigii uu Eric Abidal ahaa agaasimaha ciyaaraha Barcelona ay kasoo iibsadeen Palmerias ayaa waxay hadda qarka u saaran tahay ciyaartoy noqon doona saxeexooda koowaad ee suuqa xagaaga foodda inagu soo haya.

Sida uu qoray wargeyska Diario Sport, Planes ayaa hadda isaga oo ka duulaya su’aashii uu weydiiyey Mateu Alemany waxa uu ka shaqaynayaa sidii ay kooxdiisa Barcelona gacanta ugu dhigi lahayd xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Angelo.

17 jirkan oo lagu tilmaamo garabka weerarka ee ugu wanaagsan ee ka ciyaara horyaalka Brazil, ayay Barcelona qarka u saaran tahay heshiiskiisa, waxaana lagu soo warramayaa inay ku iibsanayso lacag gaadhaysa €35 milyan oo Gini.

Warka ayaa intaa ku daray, in tiro kooxo Premier League ah ay iyaguna dagaal ugu jiraan laacibkan, balse uu iska diiday in uu la hadlo dhamaan kooxahaas, isaga oo sheegay in aanu go’aan gaadhi doonin illaa inta ay da’diisu noqonayso 18 jir.

Leave a Reply