“Dawladnimadu waa Dhagax Dhagax la saarayo.” Wasiirka Warfaafinta

0
346

Hargeysa (DawanW:-asiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Dimuqraadiyaddu aanay ahayn cay iyo aflegaado lagula kala wareego hoggaanka dalka.

Saleebaan Cali Koore ayaa  sheegay in  loo baahanyahay in la xusuusto wixii la soo maray,waxaanu intaa ku daray in  tacab la soo galiyay Dimuqraadiyadda dalka ka jirta.

Wasiirka wasaaradda  warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta oo shalay ka qayb galay munaasibad lagu abaal marinayay Guulayste yaasha hablaha saxaafadda ee tartanka Shugri Xariir Award 2022.

Wasiirka oo ka hadlayay sida ay u kala duwan yihiin cayda iyo istoosintu ayaa yidhi “Waxa aan arkay Rag badan oo Siyaasiyiin ah oo ka hadlay Siyaasadda dalka  aan  aqoon juqraafiga Somaliland,waxaana laga yaabaa in ay arkeen hal gobol labo Gobol.waxa aan leeyahay waar aynu wax iswaydiino,hadii Dimuqraadiyaddu tahay in hoggaanka dalka lagula kala wareego si Dimuqraadiyadi ah macnaheedu maaha in aynu cay kula kala wareegno,laaliin waa in aynu la nimaadno hoggaamin  karti iyo wax dadku innaga aqbalaan oo aad tidhaahdo waxaas ayaan qabanayaa oo aan kaga duwanahay xisbigaas.Dimuqraadiyada Xisbiyadda iyo quruxdaa dalku leeyahay  tacab ayaa galay cidla lagama soo qaadin.dadbaa ciidda u hoos maray oo  gaajo ku shaqeeyay, waxaana laynooga baahanyahay in aynu xusuusano wixii ina soo maray.”.

Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in aanay jirin meel ay kaga taallo Dastuurka in la caytamo.Waxaanu yidhi”Hadii wax khaldan yihiin halla yidhaahdo sidaa ay ayay wax u qaldan yihiin ee halla saxo Wasiirka Warfaafinta halkaa wax haka saxo, laakiin ina Koore waakan Ina Koore waa hebel meel ay Dastuurka iyo Dimuqraadiyadda kaga jirto in qof la caayo majirto.meesha aan joogo hadii aad u aragto in ay wax ka qaldan yihiin i toosi wad odhan kartaa waxaas ayaa Wasaarada Warfaafinta ka qaldan ee wax ka qabo,waxa aynu rabnaa in aynu noqo Umad si Walaalnimo ah u wada  shaqaysa.hadii aynaan Sharciyadda aynu dhiganay aynaan  aqbalin waxa aynu noqonaynaa in aynu kaymaha iskaga hor nimaadno inaga oo  waranlay ah mana garanayo cidda ay dani ugu jirto sababta oo ah waynu soo aragnay Somaliland oo bilaa maamuli sida ay tahay,qolada dhalinyarada ee aan arag in ay aabbayaashood iyo ehelkooda waydiinayaan weeye,Dawladnimada waa dhagax dhagax la saaray oo la dhisayo waxa Dawlad la aani tahay waa la soo arkay.waad aragteen hanjabaadaha Telefishanada dad badani la taaganyihiin wadada ay ku socdaan waa kii shalay.”

 

Leave a Reply