Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka degmada Boorama oo soo xidhmay

0
236

Boorama(Dawan):-Kalfadhigii Saddexaad ee ay yeeshaan
Golaha Deegaanka degmada Boorama ayaa shalay soo xidhmay.

Maayerka Degmada  Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka   Maxamed Axmed Warsame ayaa  sheegay in
lagaga dooday muddadii uu socday kalfadhigaasi  arimaha u baahan in wax laga qabto ee Degmada,

Maxamed Axmed Warsame oo ka hadlayay waxyaabihii lagaga dooday kalfadhiga shalay usoo xidhmay,ayaa .yidhi”Waxa noo soo dhammaaday Kalfadhigii caadigii ahaa ee  saddexaad  Golaha Deegaanka ee  Degmada Boorama yeesheen,waxaana lagaga dooday intii uu socday kalfadhigani danaha iyo arimaha muhiimka u ah Degmada Boorama ee u baahan in wax laga  qabto.waxaana ka mid ahaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagaga hadlay warbixin laga dhegaystay  gudida fulinta ,taas oo ku aaddanayd lixdii bilood ee ugu dambeeyay ee Sannadkii 2021 waxyaabihii u qabsoomay Golaha Deegaanka degmada Boorama.waxa kale oo lagaga hadlay in guddi kastaa soo bandhigto  hawshii ay u qaabilsanayd Golaha,taasi oo ah in wax laga waydiiyo wixii u qabsoomay,”.

Maayarka Boorama oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa kale oo lagaga hadlay in la xaraasho iskaraabka dhex yaala Dawlada Hoose ee Magaalada Boorama,ku waasi oo ah gawaadhi duuga oo burburay si ay u noqdaan lacagta ka soo baxdaa mid wax loogu qabto danta Umadda oo gasha horumarka degmada Boorama,waxa kale oo lagaga dooday in meel kasta oo baahi ka jirto la ogaado iyo la dardar galiyo nidaamka maamul daadajinta.taas oo ka mid ahayd qorshayaashii aanu hiigsanaynay aanu horana u balanqaadnay.waxa kale oo lagaga hadlay aafooyinka dabiiciga ah sida abaaraha oo kale iyo dabka iyo kor qaadista dakhliga iyo  soo gala degmada ,”.

Leave a Reply