Xisbiyada Mucaaridku waa Qaar Doonaya in ay weligood Dadka hor Taagnaadaan”… Siyaasi Cabdiraxman Dheere

0
374

Hargaysa (Dawan): Siyaasi Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa horumar dimoqraadiyadda Somaliland laga gaadhay ku tilmaamay qorshaha furista ururadda siyaasadda iyo go’aankii Maxkamadda Sare.

Waxaanu sheegay in tallaabadda laga sameeyay furista ururadda siyaasadda in ay muujinayso dareen ay bulshadda Somaliland ka qaateen in ay weli nooshahay dimoqraadiyadii.

Waxaanu sharraxaad ka bixyay sida ay dastuuri u tahay in dadku ay helaan xaqa ay u leeyihiin in ay ururo furtaan oo ay ka qayb galaan tartanka siyaasadda dalka.

Halka uu si wayn u dhaliilay xisbiyada mucaaridka oo uu sheegay in ay yihiin kuwo ku fashilmay siyaasadda dalka isla markaana doonaya in ay dalka iyo dadka hortaagnaadaan isla markaana aan lahayn wax qorshe siyaasadeed ama hoggaamineed ah laakiin  kana xun yihiin in dimuquraaddiyada Somaliland ay hore u socoto.

Xildhubaan hore Cabdiraxmaan Dheere oo ka hadlayay furista ururada iyo sharciyaddooda,ayaa yidhi.“Ku dhawaaqista ururadda siyaasaddu waa hawl qaran oo la bilaabay. Madaxweynuhuna hore u iclaamiyay in ururadu furan yihiin, Maxkamadda Sarena murankii dhacay ayay soo gebagabaysay, oo hawshaa tallaabadeedda lagu dhawaaqay.

Dadku waxay dareemeen xorriyad, waxay dareemeen in dimoqraadiyadoodii nooshahay, oo ay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee ay lahaayeen ay heleen in badan.

Anigu dadkii hawshan ka shaqaynayay baan ka mid ahaa, dad badan baana igula colloobay, oo lahaa cid buu u jeedaa. cid uma jeedine xeerarkii aanu samaynay ayuun baan doonayay inay dhaqan gal noqdaan”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Dheere, oo shalay la hadlay Bulsho TV.

 

Mar uu ka hadlayay mawqifka xisbiyada mucaaridka iyo saska ay ka qaadeen furista ururada waxaa uu yidhi. “Xisbiyadda mucaaradku waa niman doonaya in ay saaxadda siyaasadda Somaliland ku keliyaystaan. Waa qaar doonaya in ay weligood dadka hor taagnaadaan. Ma qabo in ay xaq u leeyihiin. Ma qabo in ay iyagu sharciyad u leeyihiin.

Sharciyadu waa ta ay Maxkamadda sare ku dhawaaqday, waana ta ay ummadu isku raacday. Waxaana la raacayaa shuruucda dalka u deggan.

Geesta kale siyaasi Cabdiraxmaan Dheere, ayaa ka hadlay dhinaca siyaasadda arrimaha dibaddda Somaliland. Waxanu xukuumadda Madaxweyne Biixi ku ammaanay tallaabadda horumarka ah ee ay ka gaadhay dhinaca siyaasadda arrimaha dibedda gaar ahaana safarkii ay dhawaan weftigii Somaliland ka socday ku tegeen dalka Taiwan.

Waxaanu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu ku salaysan yahay danno dhinacyo badan.

 

 

Leave a Reply