Ronaldo oo Hogaaminaya Liiska Xiddigaha PSG u Calaamadsatay Bedelka Mbappe

0
577

Xiddiga Manchester United Cristiano Ronaldo, Romelu Lukaku oo Chelsea ka tirsan iyo Erling Braut Haaland oo ka tirsan Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin liiska shanta weeraryahan ee ay kooxda PSG doonayso saxiixooda xagaaga.

Iyada oo aan la hubin mustaqbalka xiddiga Kylian Mbappe waxa ay kooxda PSG isku diyaarinaysaa in ay diyaarsato xiddigaha ay ku buuxin lahayd booskiisa marka uu ka tago kooxda xagaaga.

Sida laga soo xigtay Fichajes, labada ciyaaryahan ee Premier League ee Ronaldo iyo Lukaku ayaa ah labada magac ee ay PSG ka fiirsan doonto inay la soo wareegto xagaaga, iyadoo Zinedine Zidane uu doonayo inuu dib ula midoobo Ronaldo hadii uu shaqada ka badalo Pochettino.

Ronaldo oo uu bur-buray xidhiidhkii uu la lahaa Ralf Ragnick ayaa la rumaysanyahay in uu wakiilkiisa wadahadalo la qaadan doono si uu ugu sheego in uu koox cusub u raadiyo.

Lukaku ayaa dhankiisa la sheegayaa in uuna ku faraxsanayn kooxda chelsea isaga oo afkiisa ka qirtay arintaas waxana ay PSG u dhaqaaqi doontaa xiddiga hadii suua la dhigo.

Waxa intaas sii dheer in ay PSG la socoto xaalada xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Haaland kaas oo dhankiisa lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

 

Leave a Reply