Sicir-bararku ka Daran Rasaasta Cadowga

0
299

 

Faallo: Cumar Maxamed Faarax 

Kor u kaca qiimaha  maceeshada daruuriga ah ayaa  saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay xadhkaha goostay, waxaanu  saamayn taban ku yeeshay noloshii bulshada danyarta ah ee reer Somaliland, ee  marka horeba  la daalaa-dhacayey waayaha iyo wakhtiga adag.

Sicir bararka maceeshada daruuriga ah iyo shiidaalka ayaa indhaawalaba isa soo tarayey, haatanse waxa uu gaadhay heerkii ugu xumaa marka laga qiyaas qaato  afartii sannadood ee la soo dhaafay.

Dabaqaha danyarta ah sida ciidammada, xoogsatada, shaqaalaha dawladda iyo dadka saboolka ah ayey soo wajahday xaalad adag oo ka dhalatay sicir-bararka ku laxaadsaday, abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta gobollada bariga dalka oo uga sii daraya xaaladdii jirtay.

Qiimaha Basaska dadweynaha ee loo kala raaco xaafadaha magaalada Hargeysa, ayaa qaaliyoobay oo maalmihii la soo dhaafay  waxana lagu raacayey 2, 500 SL SH ah, taasi oo ka fajicisay dadweynaha.

Qiimaha maceeshada ayaa sidoo kale la jari waayey, tusaale ahaan Kiishka bariiska ah ayaa la kala siisanayey maalmahan 16 Doolar, waxana ku kordhay laba Doolar, sidoo kale kiishka daqiiqda ah waxa ku kordhay 2 doolar iyo badh, waxaanu haatan marayaa 15 Doolar, halka kiishka  sonkorta ah lagu kordhiyey 1 doolar iyo badh. Sidoo kale kaartoonka baastada ah waxa ku kordhay hal doolar iyo badh.

Sidaas si la mid ah shanleyda Saliida cuntada ah waxa ku kordhay 2 doolar.

Waxa 48kii saacadood ee la soo dhaafay baraha bulshada haystay  hooyo waayeel ah oo si qiiro leh  uga cabatay  maceeshada la  go’ayn waayay. Waxaanay ku baaqday in wax laga qabto ganacsatada oo naxariistu gabaabsi ku tahay.

Marka ay xaaladdu halkaas mareyso, waxa loo baahan yahay in Wasaaradda Ganacsiga iyo hay’adaha dawliga ah ee ku shaqada lihi ay arrinta soo farogeliyaan oo ay wax ka qabtaan isbeddelka iyo qiime bararka xad-dhaafka ah ee ay ganacstada macaash doonka ahi ay cidhiidhi ku gelinayaan nolosha dadweynaha JSL.

Marxalada maanta  lagu jiro waxa xujada  weyni saaran tahay Wasaaradda Ganacsiga oo lagu jirabi doono tallaabada ay qaado, iyadoo dadweynuhu u jeellan yihiin inay dawladdu suuliso sicir-bararka oo xataa haddii ay suurtogal tahay ay Xukuumaddu raashin dibada ka keento, si ay shacbiga ugaga sii iibiso qiime jaban.

Ganacsatadana waxa  la gudboon in aanay iska xaaraantinimayn maalkooda, oo ay u naxariistaan shacbiga abaaruhu hayaan ee jiddiin qalalay, kana  waantoobaan qiime bararka ay laasimeen oo inta badan aanay duruuf loo garaabaa keenin.

Ugu dambayn, waxa la gaadhay xilligii fadhiga looga kici lahaa wax ka qabashada sicir-bararka oo ka daran rasaasta cadowga, una baahan in Xukuumad iyo shiciba loo midoobo sidii culayska looga rogi lahaa shacbiga.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply