Qore Khadar M. Xaashi
Hargaysa (Dawan): Komishanka Xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku soo bandhigay warbixin sanadeedkii 2021.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday ururo maxali ah iyo kuwa caalamiyaa, ciidamada kala duwan sida Booliska iyo Ciidamada Asluubta, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo ardayda Jamacadaha.
Warbixintan komishanku soo bandhigay ayaa ahayd mid taabanaysa xaaladda guud ee xuquuqal insaan ee dalka.
Agaasimaha fulinta Komishanka Xuquuqal Insanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xassan ayaa fahfahiin dheerad ah ka bixiyay warbixintan iyo dadaalka komishanku ugu jiro siddii uu xaladda xuquuqal aadame ee dalka kor loogu qaadi laha waxa kale ay warbixintu taabanaysa xaaladaha xuquuqda caruurta darbijiifka, xaaladaha saxaafadda iyo xoriyatul qowlka, xaaladaha saldhigyada iyo maxaabiista, sidoo kale guud ahaan dadka nugul iyo xuquuqahooda iyo ta aasaasiga ah ee bulshada sida; waxbarashada, caafimaadka iwm.
Gebo’gebadi , kadib warbixintaa uu soo bandhigay Komishanka Xuquuqal Insaanka qaranku, waxaa la is waydaarsaday dodo iyo talo bixinno la isla qaatay oo u dhexeeyay ka soo qayb galayaasha kulankaas.
Guddoomiyaha komishanka xuquuqal Iinsaanka Qarankan Somaliland, mudane Maxamed Baaruud Cali, oo ugu horrayn goobtaasi ka hadlay waxa uu yidhi. “Horta adduunyadu waa qabyo, xuquuqal iinsaanka dastuurkeeni waxa uu sheega xuquuq badan, xeerar badan oo caalamiya oo sheegana waa ay jiraan, diinteenuna waxa ay inoo sheegtay in qofkasta la karaameeyay, lama odhan cid kale waa rag, waa dumar waa carruur, waa cirroole, qof naafo ah, qofkasta ALLE wuu karaameeyay, marka dadkaasi sida loogu ilaalinayo xuquuqda Qur’aankeenu uu sheegay, ayuunba mihiim ah in aynu wada ilaalino, way tahay, xuquuq markaad yeelatana masuuliyad ayaa ku saaran, marka xuquuqaha ina wada saaran, sida aynu u ilaalin lahayn uunbaynu u wada shaqeynaynaa,”
Agaasimaha fulinta Komishanka Xuquuqal Insanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa is dultaagay caqabadaha ka jira dalka ee u baahan wax ka qabashada waxanu yidhi. “Caqabadaha kooban ee ka jira xabsiyada dalka haddii aan dul istaagno, waxa ka mid ah dhanka dhismayaasha, oo xabsiyada qaarkood yihiin kuwa duugoobay, ama la dhisay wakhti hore, una baahan dib u habayn, qaarkoodna loo baahan yahay in meeshaba laga saaro sida xasbiga Berbera oo kale, ahna xabsi muddo badan dhisnaa, dib u habeyntiisuna aad u yar tahay, isla markaana ku jira xaalad ka duwan xabsiyada dalka ee kale, marka xagga dhismayaasha caqabad ayaa ka jirta, adeega caafimaadka oo kooban isna caqabad ayaa ka jirta xabsiyada.
Sidoo kale waxbarashada ka socota xabsiyaduna aad iyo aad ayay u kooban tahay.
Waxaa aanu daneeyayaasha garsoorka u soo jeedinayna in xal loo helo maxaabiista wakhtigu ka dhammaaday ee daymaha ugu jira xabsiyada dalka.
Laba boqol iyo sagaal iyo konton carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 18 jir ilaa 19 jir ayaanu ku soo kormeernay qaar ka mida xabsiyada dalka, waxaanay la kulmaan caqabado ay ka mid yihiin, in aanay helin adeegyo waxbarasho iyo dhaqan celin, waxana sabab u ah inaga oo aan lahayn goobo dhaqan celineed”
Wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda Somaliland, mudane Mahdi Cismaan Buuri, ayaa sheegay in lacagta jeebabka bulshada ku jirta ay daynta ka bixin karto maxaabiista xidhan.“Bahda koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranku waxa ay soo mareen jeelasha waxa ay soo ogaadeen dadka xidhan, haddaba lacagta jeebabkeena ku jirta waxa ay xoriyadooda u soo celin karaan dad masaakiin ah, oo jeelasha ku xidhan,”