Caalam Ku Jira Cabsida Khurafaadka

0
681

Odayga Arnold Walter Schoenberg wuxu ku dhashay dalka Austria bishii  Septemebr 13, sanadki 1874 waxa uu ahaa nin ku xeel dheer xirfadda miisiga iyo gabayga.  Waxa uu noqday maamulihii dugisgii Muusiga ee Viennese ee dalka Jarmalka, Maalmihii  uu curtay xisbigii Hitler ayuu xooga u saaray miisiga madaama uu ahaa dhalasho ahaan nin ka soo jeeda Yuhuudda si uu uga badbaado cadhada loo qabay Yuhuudda.

Sanadakii 1934 ayuu Maraykanka u guuray. Ninkani waxa uu caan ku yahay inuu ahaa ninka soo saaray cabsida laga qabo tirada 13-ka ee Yurub iyo Maraykanka caanka ka ah.

Waxaana uu  ku magacaabi jiray “ numabarka masiibada ah”, xataa tirada maraka uu tiranayo ee uu soo gaadho 13-ka waxa uu u ugu dhawaaqi jiray 12A. Bishii July 13dii maalin Jimce ahayd  ayuu gurigiisa ka soo bixi waayay isagoo sheegay in maalintaasi oo ahayd Jimce 13 Bisha ay tahay maalin isaga ay masiibo ku dhacayso.

Waxaana uu iska jiifay sariirtiisa isagoo xanuun aad u weyn oo werwer ahi naftiisa saameeyay. Waxaana la sheegay inay naftu ka baxday markii ay saacaddu ahayd 11:47 daqiiqo habeenimo, ama 12 oo ay ka dhiman tahay 13 daqiiqo.  Tirada wakhtiga uu dhintay aya lagu sheegay isugeynteeda 13 ( 1+1+6+7). Waxaana da’adiisu ahayd sida la sheegay 76 sano oo iyaguna isugeyntoodu tahay tirada 13.  Sebenka aynu joogno dalalka aan islaamka ahayn dadka ku nool badankoodu maalinta Jimcaha ee ku beeganta taariikhada 13 aad ayay uga baqdaan, intooda badan ee caanka ahni guriga ayaya iska joogan.  Khuraafaadka ayaa salka ku haya cabsida uu abuuray Yuhuudiga Arnold. Horumarka maadiga ahi waxba kama tarayo cabsida dhimashada iy beelayada ee khurafaadka ah, laakiin waxa arintasi daweeyay islaamka, madaama bulshadii carbeed ee wakhtigii Islaamku soo baxay ay ahaayeen kuwo cabsida khurafadka wehel u ah, hadday safar u baxayaan, hadday guursnayaan iyo hadday dagaal gelayaanba.

 

Leave a Reply