Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Shaacisay Dufcaddii 2-aad ee Barnaamijka Shaqo Qaran

0
415

Hargeysa (Dawan)  – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in xaashida mushahar bixinta ee Bayroolka ay galeen 711 qof oo ah dufcaddii labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland Maxamed Geeddi Caynaanshe oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay u kal direen shaqaalahan cusub 43 ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, isla mar ahaantaana ay ku biiri doonaan cududda shaqaale weynaha dawladda Somaliland.

Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Mu’addinka oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta barnaamijkan uu bilawgeeda leeyahay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu u mahadnaqay mas’uuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda ee maanta u kala diray dufcadii labaad ee barnaamijka shaqo qaran laamaha dawladda.

Gebogebadii, guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda Aamina Xuseen Maxamuud ayaa ku dheeraatay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen barnaamijka shaqo qaran, iyadoo ka warantay tirada shaqaalaha maanta ku biiraya xaashida mushahar bixinta ee hay’adda shaqaalaha dawladda, waxaana ay xustay in shaqaalahani ay ka mid noqon doonaan xoogga dihin  ee u qaranku adeegsan doono mustaqbalka, iyadoo dhiirigelisay barnaamijka shaqo qaran, oo ay tilmaantay inuu ka mid yahay barnaamijyada horumarineed ee ay dhalinayrada waxbaratay ku hesho fursadaha shaqada.

Leave a Reply