Xukuumadda oo dayac-tir ku samaynaysa Xabsiga Berbera oo la hilaadinayo in mid cusub looga guurro mustaqbalka

0
300

Qore. Saleeban Kalshaale
Berbera(Dawan)-Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye guud Axmed Cawaale Yuusuf oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Xabsiga dhexe ee Magaalada Berbera Axadda maanta, kormeerkaasi oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo duqa degmada Berbera.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu tahay sidii ay qiimeyn ugu samayn lahaayeen xaalada xabsigaasi dayac-tir lagu samaynayo, waxaanay qayb-qayb u indho-indheeyeen dhismeyaasha uu ka kooban yahay.
ka hor kormeerka weftiga Taliyuhu waxa ay kulan la yeesheen maamulka gobolka iyo degmada. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Axmed Xasan Aw Aadan oo hadal ka jeediyey kulanka, ayaa sheegay in xabsigani uu yahay qadiimi oo aan wakhti dhow waxba laga qaban “ujeeddadu waxay tahay sidii aanu qiimeyn macquul ah ugu samayn lahayn wixii lagu dayac-tirayo”ayuu yidhi Agaasimuhu. “waxaan u mahad-celinayaa maamulka gobolka iyo degmada oo qiimeyntan nala sameeyey, waxaanan rajeynayaa in safarkayagani guul ku dhamado”ayuu raaciyey.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Axmed Cawaale Yuusuf, ayaa tilmaamay in xabsigani uu wakhti dheer dhisnaa, loona baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan looga guurro oo mid cusub la dhiso.
Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in dayac-tir lagu samayn doono hadda, si loogu sii meel-gaadho “waxaanu qiimeynaynaa sidii xabsiga loogu sii noolaan lahaa inta xabsi cusub laga dhisayo, oo ay dawladda hoose iyo dawladda dhexeba balan qaadeen dhulkii laga dhisi lahaa iyo sidii looga dhisi lahaa jeel lagu noolaan karo mustaqbalka, maadaama uu xabsigani yahay mid wakhti dheer jiray oo dhamaaday.
“waxaan rabnaa in inta aan xagaaga la gaadhin wax laga qabto oo la soo gaadhsiiyo heer lagu sii noolaan karo”ayuu yidhi Taliyuhu.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi iyo duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa soo dhaweeyey dayactirka jeelka, waxaanay intaasi ku dareen inay doorka kaga aaddan ka qaadan doonaan sidii xabsi cusub loo dhisi lahaa iyo dib-u-hagaajinta kan qadiimiga ah.
Xabsi Magaalada Berbera, ayaa la dhisay wakhti ku siman xilligii cusmaaniyiinta oo taariikh fog ka soo wareegtay.

 

 

Leave a Reply