Guddiga Gurmadka Abaaraha Sool Oo Caawimo Biyood Kala Wareegay Sahamiye Foundation

0
524

By: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Sool ayaa maanta caawimo biyood oo loogu tall galay dadka abaarta iyo biyo la’aantu saamaysay ee gobolkaasi kala wareegay ururka Sahamiye Foundation.

Waxaana caawimadaasi la wareegay guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha heer gobol ahna badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo uu wehelinayay maayar ku-xigeenka magaaladda Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar.

Caawimadaasi oo dhan 2000 oo Booyadood oo biyo ah, ayaa loogu tall galay dadka ay abaarta iyo biyo la’aantu saamaysay ee gobolka Sool.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha gobolka Sool ayaa Ururka Sahamiye Foundation uga mahad celiyay kaalmadan biyood oo dhan 2000 oo Booyadood oo biyo ah.

“Ururka Sahamiye Foundation ayaa na soo gaadhsiiyey maanta Deeq biyo ah oo ay ugu talo galeen dadka abaaraysan ee Gobolka Sool.

Waanu uga mahad naqaynaa Sahamiye Foundation oo uu ugu horreeyo Dr. Ismaaciil Ibrahim, sida wanaagsan ee uu bulshadiisa ula garab taagan yahay gurmadka iyo taakulaynta dadka abaaraysan” ayuu yidhi C/kariin Aadan Xaaji Diiriye.

Badhasaabka Sool ayaa gaacsatadda kale ee reer Somaliland ugu baaqay in ay ku daydaan Sahamiye Foundation, isla markaana ay ka qayb qaataan dadka abaartu saamaysay.

Waxaanu yidhi, “Ganacsatada kale iyo ururada kale ee khayriga ahna, waxaan rejaynayaa inay ku daydaan, kana qayb qaataan gurmadka dadka abaaraysan”.

Geesta kale maayar ku-xigeenka degmadda Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-kawte), ayaa haayadda Sahamiye Foundation uga mahad celiyay kaalmadani biyood ee ay soo gaadhsiiyeen bulshadda gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu saaka halkan kula wareegaynaa, anagoo ah guddiga abaaraha heer gobol, oo uu guddoomiye noo yahay badhasaabka gobolka Sool. Waxaan saaka halkan kula wareegaynaa 2000 oo Booyadood, oo aanu kala wareegayno Sahamiye foundation.

Waxaana 2000 ee Booyadood ee biyaha ah, loo kala diri doonaa deegaamadda ku jira xaaladda adag, ee guddigu qiimaynta ku soo sameeyay. Marka koowaad ILLAAHAY SWT ayaa mahad leh, marka labaad na waan uga mahad celinaynaa Sahamiye Foundation, taageeradaa iyo gurmadkani deg deg ah ee ay la soo gaadheen, walaalahoodda reer Sool”.

Leave a Reply