Qofka Fiicani waa ka Caqliga Badani!

0
421

 

Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay kan ragga ugu wanaagsan ? Waxaanu ku jawaabay “  Waxa ugu wanaagsan kan hadii aad la doodo, caqliga badan, haddii uu cadhoodana dulqaadka leh, haduu kaa guulaysto sharafta leh, hadduu wax ku siinayo deeqsiga, hadduu ballan qaado oofiya haba weynaado ballankuye,  hadii aad ashkato ugu tagtana naxariista badan.

 

Nin Faylasuuf ah ayaa marti qaaday koox asxaabtiisa ka mid ah , mid ka ah ayuu ku yidhi markii uu arkay cuntada yaraanteed iyo dadka tiradooda waxa wanaagsanayd inaad u kordhiso martidaada raashinka.     Faylasuufka aya ku jawaabay “ Haddii martidaydu caqli badan yihiin ku filan raashinku , haddii kalena raashinka ayaaba ka badan wixii ay xaq u lahaayeen“  Faylasuufkan ayaa ahaa nin sabool ah laakiin deeqsi ahaa, waana ninka ugu caansan ragga falsafadda inkasta oo ay ahaayeen kuwo aduunyada ku talax tegay oo xaqiiqda diimaha ka fogaaday, taasina ay sababtay in ay la mid noqdaan dadka waalan.

 

Leave a Reply