Gabilay oo laga Xusay Maalinta Dhallinyarada Somaliland

0
597

 

Gabilay(Dawan):-Guddoomiyaha  gobolka Gabilay Cabdiqani Maxmuud Jiidhe iyo Guddoomiye  ku xigeenka gobolka Gabilay Cali Cabdi Cabdilaahi oo ay weheliyaan Maayarka Gabilay Maxamed Cumar cabdi iyo xoghayaha dawlada hoose ee Gabilay eng Cabdqaadir Maxamed Cabdi ayaa shalay ka qaybgalay Xuska 40 Guuradii kasoo wareegtay 20 Feb 1982kii oo ku astaysan maalinta Dhallinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland oo shalay ka qabsoontay magaaladda Gabiley.

 

Xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa waxaa kasoo qaybgalay Guddoomiyaha  Gobolka, guddoomiye  ku xigeenka, Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose, Xildhibaanadda Golaha Deegaanka, Dhalinyaro, Cuqaal, Haween Iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

 

Xuskankan ayaa lagu qabtay hoolka dawlada hoose ee magaalada Gabiley

 

Dhamaan masuuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa u duceeyey shuhadadii halganka bilowday

Waxaanay dhallinyarada Somaliland kula dardaarmeen in ay ilaashadaan qarannimada Somaliland oo ku joogta nafo dalkan iyo dadkan qaali ku ahaa oo u shahiiday xorayntii Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay ku baraarujiyeen dhallinyada Somaliland in  looga baahan yahay in ay iyaguna u kacaan horumarka qarankooda iyo dib u dhiska dalkooda oo ay waxkasta ka horumariyaan qabyaaladda.

 

Leave a Reply