Waa Maxay Sababta ay City iskaga Iibinayso Raheem Sterling Xagaaga

0
378

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansan doonto in ay iska iibiso xiddiga Raheem Sterling  marka la gaadho suuqa kala iibsiga Xagaaga hadii uu xiddiga reer England diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa lala xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda ku ciyaarta Etihad xagaagii laakiin waxa uu mar kale muhiim u noqday kooxda Man City.

Man City ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga 27 jirka ah iyada oo uu heshiiskiisa haatan dhici doono xagaaga 2023.

Si kasta ha ahaatee Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Man City iska iibin doonto xiddiga hadii uuna qalinka ku duugin heshiis cusub.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man City xiddiga ku iibin doonto lacag dhan 50 milyan oo euro maadama uu galayo sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda.

Leave a Reply