Salah oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa ee ku Guuleysiga 4 Koob oo Xilli Ciyaareedkan ah

0
468

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa diiday in uu meesha ka saaro in ay kooxdiisu ku guulaysan karto 4 koob xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu sheegay in ay diirada saari doonaan kulan walba waktigiisa.

Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay tartanka horyaalka premier League iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya Man City isla markaas baaqi u haysata kulan ay la ciyaari doonaan Leeds United.

Sidoo kale Liverpool ayaa gaadhay Final-ka Carbao cup-ka ay la ciyaari doonaan Chelsea halka ay sidoo kale wali ku jiraan tartamada FA Cup-ka iyo Champions League.

Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wax walba waan samayn karnaa laakiin wali xilli ciyaareedku wuu dheeryahay”.

“Haatan waxa aan samayn karno ayaa ah in aan diirada saarno kulan kasta waana arin muhiim ah marka aad Man City la tartamaysid, kaliya waa in aan badino kulamadeena”.

“Kadib waan eegi doonaa meesha aan gaadhno dhamaadka xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Leave a Reply