Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
506

Waxa aan sii wadi doonaa xogaha muhiimka ah ee ku saabsan horyaalka premier League kadib markii aan warbixin hore idiinku soo bandhignay xiddigaha fursadaha ugu badan abuuray.

Haatan waxa aan eegi doonaa kooxaha goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka premier League oo meel xiiso iyo xamaasad leh maraya xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka dhalisay premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo uga mahad celinaya weeraryahanadeeda halista badan ee ay hogaaminayaan Salah, mane iyo Jogta.

Liverpool ayaa dhalisay 64 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League Sida laga soo xigtay Prime Video Sport xilli ay Salah iyo Jota goolasha ugu badan dhaliyeen.

Kooxda Hogaaminaysa horyaalka premier League ee Man City ayaa ku xigta iyaga oo dhaliyay 63 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League iyaga oo hal gool dambeeya Liverpool.

Halkan  kaga bogo kooxaha goolasha ugu badan ka dhaliyay premier League:

1- Liverpool      64

2-  Manc City   63

3- Chelses        49

4- west Ham    45

5- Man United 44.

 

 

Leave a Reply