Wuxuu Waqtigiiisii uu Fiicnaa ku Qaadanayaa City, Balse Wuxuu ku Riyoonayaa ku Biirista Real

0
440

Kooxda Manchester City ayaa u muuqata mid imtaxaan ka mari doonta heshiis kordhinta mid kamida xiddigaha kooxdeeda ugu muhiimsan waana mashiinka khadka dhexe ee Bernardo Silva oo xilli ciyaareedkan qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ku raaxaysanaya.

Silva ayaa ku dhawaaday xagaagii inuu iskaga tago Man City, dad badan ayaa u arkayay in imaatinka Jack Grealish uu soo yarayn doono wakhti ciyaareedkii Silva iyadoo qudhiisu uu doonayay bixitaan, si kastaba City ayaa u weyday koox si macquul ah ula wareegta waxaana uu go’aansaday inuu sii joogo.

Man City ayay dhirbaaxo culus ku noqon lahayd haddii uu 27 sano jirkaasi ka tagi lahaa kooxdeeda maadaam oo xilli ciyaareedkani noqdayba midkiisii ugu fiicnaa.

Bernardo ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan 34 kulan usoo ciyaaray Sky Blues isaga oo 10 gool soo dhaliyay halka uu caawiye kasoo noqday saddex kale.

Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska Calciomercato Bernardo Silva ayaa isha ku haya u wareegista dhinaca Real Madrid oo uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro.

Los Blancos ayaa Silva la saxeexan kara si ay uga dhigaan bedelka macquulka ah ee xiddigaheeda khadka dhexe mudada dheer ka ciyaarayay ee Toni Kroos iyo Luka Modric.

 

 

Leave a Reply