Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL ayaa magaalada Lagos ee waddanka Nigeria kaga qayb gashay shir caalami ah oo dhinaca shidaalka ah kaas oo lagaga hadlayo sidii ay dalalka Afrika u dardar gelin lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka.
Shirkan oo ayay isugu yimaadeen inta badan ee dalalka Africa, shirkadaha waawayn ee shidaalka Africa ka shaqeeya iyo ka soo qayb-galayaan daafaha dunida ka kala yimid.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo matalaysa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah shirka loogu casuumay isla markaana lagu maamuusay in ay warbixin dhammays tiran oo shidaalka ku saabsan ka hor jeediso shirka.
Ka qayb-galka shirkani waxa uu wasaaradda uga dhiganyahay fursad wayn oo xidhiidh iyo wada shaqayn ay kula yeelanayso wasaaradaha, hay’adaha iyo shirkadaha shidaalka/saliidda ka shaqeeya ee Africa iyo guud ahaan dunida si ay qaranka ugaga faa’iidayso khayraadka shidaalka.
Tani waxa ay ka mid tahay dedaalka iyo gucla-orodka Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ugu jirto sidii ay u xaqiijin lahayd masuuliyadaha ay qaranka u hayso oo ah bislaynta iyo soo saarista khayraadka shidaalka iyo macdanta si dadka reer Somaliland ay u gaadhaan horumar iyo barwaaqo nololeed.