Gudoomiyaha Gobolka Sool oo kormeeray Taliska Booliska

0
882

Laascaanood (Dawan)- Gudomiyaha Gobolka Sool mudane Cabdikariin Aadan X. Diiriye ayaa kala qayb-galay saraakiisha Taliska Qaybta Booliska ee gobolka shirkooda todabaadlaha ah oo lagu falanqeeyo arrimaha ammaanka gobolka Sool, maalin kasta oo Arbaca ah.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Cali Axmed Shire Duuble ayaa Gudomiyaha Gobolka Sool uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay taliska qaybta booliska ee gobolka Sool, waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay guddoomiyaha gobolka oo uu ku bogaadiyay kulankaasi uu kala soo qayb galay oo uu tilmaamay in uu dhiiri-gelin u yahay guud ahaan ciidanka booliska gobolka.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Soo loo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Guddoomiye halkani waa qaybtii ciidana Booliska ee gobolka Sool. Maanta shirkii qaybta booliska ee gobolka Sool, todobaadkii waxaanu isu nimaadnaa maalinta Arbacada oo aanu iska xog-waraysano waxyaabaha noo qabsoomay iyo arriaha amniga gobolka Sool.

Guddoomiye waxaan si gaar ah kaaga mahad naqayaa shirkaasi aad nagala soo qayb gashay, sababta oo ah guddoomiyayaashii hore ee gobolka soo maray kamay soo qayb geli jirin shirkayagan amniga. Tallaabadaasi waxay noo tahay dhiiri-gelin, anaga oo u idman waajibaadka qaranka iyo nabadgelyada gobolka. Waxaanu sii ballan qaadaynaa in aanu dardar gelino oo aanu bulshada u adeegno.

Gudomiyaha Gobolka Sool mudane Cabdikariin Aadan X. Diiriye ayaa dhankiisa si weyn ugu mahad naqay guud ahaan saraakiisha iyo ciidannka booliska gobolka Sool, waxaanu ku bogaadiyay shaqada adag ee ay habeen iyo maalin ba uga shaqaynayaan amaanka gobolka, waxaanu yidhi “Shirkiinan saraakiisha booliska gobolka Sool waan idinku bogaadinayaa, waxaanan uga soo qayb gala shirkiinan todobaadlaha ah in aan idinkala qayb qaato dardar gelinta shaqada iyo is xogwaraysiga arrimaha amaanka gobolka iyada oo la isu dhanyahay. Iska markaanna aan idinkula wadaago waxyaabihii ka dhacay gobolka 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay, iyada oo subax walba ay soo gaadho xafiiska gobolka warbixinta arrimaha ka dhaca gobolka 24-kii saacadood ba, haddana kama maarmayso in la isu yimaado oo wakhti la isu helo, oo la iska xogwaraysto xaalada gobolka iyo waxyaabaha inoo qabsoomay.”

 

 

Leave a Reply