United & Chelsea oo lagu Wargeliyey Qiimaha qy ku Helayaan Declan Rice

0
485

Kooxda kubadda cagta West Ham ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda khadka dhexe ee Declan Rice oo ay u waalanayaan kooxaha waaweyn ee Ingiriiska ee Manchester United iyo Chelsea oo doonaya inay xagaaga lasoo wareegaan.

Xiddiga reer England oo bandhig cajiib ah samaynaya xilli ciyaareedkan, ayaa u saftay West Ham 32 kulan oo dhamaan tartamada ah xilli ciyaareedkan, waxaanu yahay mishiinkooda khadka dhexe ee yeedhiya, sidoo kalena naqshadeeya ciyaarta kooxdiisa.

Kaalinta shanaad ee ay hadda ku jirto West Ham iyo inay muddo kaalmaha saddexaad iyo afraad haysatay, waxa sababteeda ugu weyn lahaa Declan Rice, hase yeeshee Manchester United iyo Chelsea ayaa qorshaynaya inay kasoo qafaashaan xagaaga oo ay ka dejiyaan kooxahooda.

West Ham United ayaa ogsoon inay adag tahay inay sii haysato Declan Rice oo heshiiskiisu ku egyahay June 2024, hase yeeshee waxay haystaan dookh kale oo ah inay 12 bilood kusii kordhin karaan heshiiskiisa, hase yeeshee David Moyes ma doonayo inuu laacibkan kusii qasbo inuu sii joogo London Stadium haddii uu calmado kooxaha kale.

Sida uu qoray Wargeyska The Times ee kasoo baxa UK, West Ham ayaa ku wargelisay kooxaha raadinaya Declan Rice ee Manchester United iyo Chelsea qiimaha ay ku iibinayso xiddigeedan, waana £120 milyan oo Gini.

Laacibkan oo dhaliyey afar gool, afar kalena caawiyey ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta ee Chelsea, waxaanay Blues fasaxday isaga oo da’yar ah, haddase waa inay lasoo shir-tagaan £120 milyan oo Gini haddii ay doonayaan inay helaan.

Manchester City ayaa la rumaysan yahay inay iyaduna xiisaynayso saxeexa Rice oo 177 ciyaarood u saftay kooxdiisa tan iyo 2017, waxaana qiimihiisa sare usii qaaday wacdarihii uu ka dhigay tartankii qaramada Yurub ee Euro 2020 ee England ay finalka timid oo uu si joogto ah u ciyaarayay.

 

Leave a Reply