Somaliland iyo Jabuuti Waxay Ka Wada-hadleen Arrimaha Mandaqada” Wasiir Koore

0
683

Jabuuti (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa faahfaahiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen weftiga iyo xukuumadda Jabuuti.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in labada dawladood ay ka wada hadleen waxyaabo dan u ah labada dal, isla markaana Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti uu marba marka ka dambaysa sii korayo.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi iyo weftigiisi uu hoggaaminayay waxay safar shaqo oo saddex maalmood ah ay ku joogaan dalka Jabuuti. Xukuumadda iyo dadka reer Jabuuti ayaanu u nimid, waxay noo soo dhaweeyeen si fiican oo milgo leh, waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda kale ee xukuumaddiisa oo si weyn noo soo dhaweeyey.”

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Madaxda dalka Jabuuti waxaanu ka wada hadalnay arrimo labada dal u dan ah”

“Madaxweynaha waxaanu ka wada hadalnay xaaladda mandaqada, walaalnimada labada dal iyo danaha naga dhexeeya, kulamo kale oo dambena waanu wada qaadan doonaa, waanan ugu hambalyaynayaa sida ay noo soo dhaweeyeen xukuumadda iyo shacabka reer Jabuuti. Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti marba marka ka dambaysa ayuu sii korayaa”

 

Leave a Reply