Taliyihii ciidanka Ilaalada madaxtooyada Somaliland oo Geeriyooday

0
407

Hargeysa (Dawan) Inaa lillaahi waa innaa ilayhi raji’uun, ILLAAHEY maxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiye, waxaa goor dhaweyd la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday cisbitaalka International ee magaalada Hargeysa, taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland, marxuum  Muuse Cilmi Farax.

Marxuum Taliye Muuse, ayaa xaalad caafimaad u jiifay cisbitaalka Internationalka ee magaalada Hargeysa.

Madaxda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa tacsi u diray qoyskiisii, ciidamada kala duwan iyo guud ahaan qarankaba.

Leave a Reply