Chelsea oo la kala Boobayo iyo United oo Calaamadsatay Xiddiga ay uga Baahan Tahay

0
557

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa liiska xiddigaha ay saxeexooda raadinayso ku darsatay difaaca Chelsea ee Antonio Rudiger oo la rumaysan yahay inuu ka bixi doono Stamford Bridge afar bilood kaddib, markaas oo uu xor ka noqon doona kooxda uu shantii sannadood ee u dambaysay usoo ciyaarayay.

Difaaca reer Germany ee 28 jirka ah ayay afar bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhamaanayo heshiiskiisa Chelsea, waxaanu xor u noqon doonaa inuu iskaga tago.

Chelsea ayaa  marar badan isku dayday inay heshiisyo cusub ka saxeexdo, laakiin ma  muuqato saansaan iyo tilmaamo muujinaya inay qancin karayso, iyadoo uu dhawr jeer oo kala duwan iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo.

Kooxaha lacagta badan haysta ee Yurub ee Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa lala xidhiidhinayaa Rudiger, hase yeeshee waxa dhinaceeda dagaal diyaar uga ah Manchester United oo doonaysa inay lasoo saxeexato Rudiger.

Tababaraha Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa si shaqsi ah uga shaqaynaya sidii uu Rudiger oo ay isku waddan yihiin uu ku iman lahaa Old Trafford, si uu ugu xalliyo dhibaatada difaaca ka haysta Red Devils.

United oo xilli ciyaareedkan socda laga dhaliyey 34 gool, ayaa kaliya shabaqeeda ka ilaashatay kooxaha West Ham iyo Southampton, waxaana mid ka mid ah xilli ciyaareedyadii ay ugu liiteen dhinaca difaaca, waxaana aad loo saluugsan yahay Harry Maguire, halka uu Raphael Varane muddo ku maqnaa dhaawac.

Bishii hore ayay Chelsea u bandhigtay Rudiger heshiis cusub oo sare u qaadaya mushaharkiisa hadda ee £100,000 Gini toddobaadkii ah, waxaanay u sheegtay inay siinayso £140,000 usbuucii. Mar kale ayay dalab rasmi ah oo £200,000 uu toddobaadkii ku qaadanayo ay u bandhigtay, balse haddana waa uu iska diiday.

Si kastaba, Manchester United ayaa ku biiraysa liiska kooxaha ku raad-jooga Antonio Rudiger ee doonaya inay lasoo saxeexdaan marka la gaadho

bisha June oo ay afar bilood ka  hadhsan yihiin.

Leave a Reply