Tammy Abraham oo Doonaya inuu ku soo Laabto Premier League iyo Kooxda uu Xiisaynayo

0
333

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Roma ee Tammy Abraham ayaa lagu soo waramayaa in uu isha ku hayo ku soo laabashada chelsea mustaqbalka dhaw sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku biiray Roma xagagaii hore isaga oo ugu biiray lacag dhan 34 milyan oo euro.

Xiddiga Tammy Abraham ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 18 gool 33 kulan oo uu ciyaaray.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, Abraham ayaa doonaya in uu mustaqbalka dhaw ku soo laabto kooxda chelsea.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ayaa isaga tagay chelsea kadib markii uu Thomas Tuchel u sheeay in uuna ka mid ahayn qorshihiisa kooxda waxana uu xagagaii ku biiray kooxda.

Leave a Reply