Dagaalka RUUSHKA iyo YUKRAYN: “Waa Dagaal Halis ku ah Guud Ahaanba Xasilloonida iyo Nolosha Caalamka”

0
1024

Shalay, (24/02/2022) waxa Qaaradda Yurub ka qarxay degaalkii ugu cuslaa Qaaradda Yurub, wixii ka dambeeyey dhammaadkiiDagaalkii 2-aad ee Adduunka (WW II 1945-kii).

Dawladda Ruushka ayaa shalay (24/02/2022) 04:00-tii subaxnimo saacada Bariga Afrika waxay duullaan xagga dhulka, cirka iyo baddaba ah ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Yukrayn. Ruushku wuxuu Yukrayn ka soo weeraray jihooyinka Woqooyi-galbeed, Woqooyi toos ah iyo Woqooyi-bari, Bari toos ah, Koonfur-bari, Koonfur toos ah iyo Koonfur-galbeed.

Tallaabadan uu qaaday Ruushku waxay argagax iyo cabsi ku abuurtay guud ahaan Waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan kuwa Midawga Yurub, sababtoo ah: Waa markii ugu horraysay muddo 75 sannadood ah uu dal leh quwad weyn sida Ruushka oo kale, haysta hubka Nukliyeerka, ka mid ah  Xubnaha Rasmiga ah ee Golaha Amniga UN-ta oo leh Diidmada Qayaxan (veto power) uu dal ay daris yihiin ku galo xoog milatari.

Laga bilaabo 1991-kii, Yukrayn waxay ahayd dal madaxbanaan, balse wixii xiligaa ka horreeyey waxay ka mid ahayd dal-weynihii la odhan jiray Midawga Sofiyeeti (USSR) oo burburay bishii December 1991-kii.

Marka la eego xagga awoodaha ciidanka, xagga dhaqaalaha, khayraadka dhulka, xagga baaxadda iyo tirada dadka ee labadan dal, ma aha kuwo isku dhigma oo Ruushka ayaa Yukrayn dhan walba kaga awood badan.

 

Weerarka uu Ruushku shalay ku qaaday dalka Yukrayn, isagoo adeegsanaya gantaalaha ku gaashaaman liishaanka sugan ee laga rido dhulka oogadiisa, Diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaalka; wuxuu si gaar ah ugu beegsaday saldhigyada iyo taliska ciidamada kala duwan, madaarrada Diyaaradaha, Dekedaha, nidaamka is-gaadhsiinta, xarumaha Dawladda, Jidadka iyo Biriijyada halbowlaha ah, Warshadaha hubka iyo kuwa kale ee wax-soo-saarka, iwm.

 

 

 

Maxaa sababay Dagaalka?

 

Dagaalka ka qarxay Qaaradda Yurub ee uu Ruushku ku qaaday dalka Yukrayn, Vladimir Putin wuxuu sabab uga dhigay mid lagu sugayo nabadgelyada iyo danaha isteraatijiyadeed ee uu leeyahay dalka Ruushku. Dalka Yukrayn oo ay xuduud wadaagaan Ruushka, laga bilaabo 2014-kii waxa ka dhexeeyey colaad iyo is-maandhaaf aad u cakiran.

 

Laga bilaabo xiligaa waxa Yukrayn ka dhisnaa Xukuumad ka soo horjeeda nidaamka fikirka iyo aragtida Xukuumadda Ruushka, sidoo kalena Xulufo dhaw la noqotay Reer Galbeedka. Xukuumadda Yukrayn waxay si firfircoon ugu hanqal-taagaysay ugana shaqaysay in ay ku biirto Gaashaan-buurta NATO, kadibna ay ka mid noqoto Ururka Midawga Yurub.

 

Dalka Yukrayn oo isir ahaan, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ay isku mid yihiin dadka Ruushka kana mid ahaan jiray Midawgii Sofiyeetiga, sidoo kalena ay sii dhex maraan Dhuumaha Gaaska Dabiiciga ah (Nord Stream pipeline 1) ee Ruushka ka soo qaada Shidaalka geeyana Dalalka Yurubta Galbeed, haddii ay Yukrayn ka mid noqoto NATO iyo Midawga Yurub, Ruushku wuxuu u arkay in ay tahay arrin halis joogto ah ku noqon karta jiritaanka, nabadgelyada, danaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwa isteraatijiyadeed ee uu leeyahay dalka Ruushku.

 

Dhinaca kale, Ruushku wuxuu aaminsan yahay in dalka Yukrayn uu u gacan galay koox Reer Galbeedku ku shaqaysto, xag-jir ah oo Nazi ah oo cadaadis iyo cunsurinimo ku haya cid kasta oo ay ka uriyaan Ruushnimo.

 

Dammaanad la’aanta Reer Galbeedka:

 

Madaxweynaha Ruushku wuxuu in badan ka dalbaday Reer Galbeedka in la siiyo dammaanad ku qotonta sharci caalami ah oo la xidhiidha joojinta is-ballaadhinta Xulufada NATO ay ku fidayso xagga bariga, maadaama ay arrintani halis ku tahay xaaladaha amni ee dalka Ruushka. Laakiin nasiib darro, Xulufada NATO waxay si joogto ah ugu gacan saydheen dalabka Dawladda Ruushka.

 

Vladimir Putin wuxuu markhaati ka ahaa in xuduuda rasmiga ah ee NATO iyo WARSAW ay dhex mari jirytay magaalada Berlin ee Jarmalka. Maantana wuxuu markhaati ka yahay dhul-ballaadhsiga ay sameeyeen Xulufada NATO 25-kii sano ee ugu dambeeyey ee ay isku fidiyeen xagga bariga iyo sida ay haatan Xulufada NATO u doonayso in xuduudooda rasmiga ahi ay noqoto xuduuda ay wadaagaan Yukrayn iyo Ruushka.

 

Saamaynta Dagaalka Ruushka iyo Yukrayn:

 

Dagaalka Ruushka iyo Yukrayn wuxuu dunida ku keeni karaa cidhiidhi dhaqaale oo saamayntiisa leh. Tusaale ahaa waxa durba kor u kacay sicirkii Shidaalka, Diyaaradaha, Maraakiibta Xamuulka, Wax soo saarka Warshadaha iyo nooc kasta oo Caymis ah (Insurance). Xagga qalalaasaha siyaasadda, dagaalkani wuxuu dunida dib ugu soo celin karaa Dagaalkii Qaboobaa ee u dhexeeyey Reer Galbeedka iyo Reer Bariga, kaasoo caalamka u horseedi kara amni darro, xorriyatul qawlka iyo nidaamka dimuqraadiyada oo meesha ka baxa, afgembiya milatariga oo  dunida ku sii kordha iyo 8n la isu awood sheegto.

 

La soco qaybta 2-aad:

 Maxaa ugu wacan hal-adayga iyo hab-dhaqanka uu Vladimir Putin kula dhaqmo Reer Galbeedka

 

 

 

 

 

Leave a Reply