Qoomiyadaha Hindida iyo Carabta oo ka Qeyb Qaatay Gurmadka Abaaraha

0
470

Hargeysa-(Dawan):- Salaadiinta iyo  Cuqaasha qoomiyadaha Hindida iyo Carabta ee  deggan dalka ayaa deeqo booyado biyo ay dhinacooda kaga qeybqaadanayaan gurmadka abaaraha ee xukuumada iyo muwaadiniinta dalka iyo dibeda ka wadaan bixiyey.

 

Kaalmo  toban booyadood oo biyo ah oo ay soo bixiyeen jaaliyadaha dibeda iyo dadka gudaha dalka jooga ee qoomiyadaha Hindida iyo Carabtu ayaa shalay laba booyadood la gaadhsiiyey deegaanka Dhamalka, ee Waqooyiga magaalada Hargeysa oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex,  halka qeybo kale oo kaalmadaa biyo dhaaliska ahna  ay ku wareejin doonaan Guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha.

 

Jiif Caaqilka Qoomiyadda Hindida ku nool dalka  Rafiiq Rashiid Bullo oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay deegaanka dhamalka oo xaalad biyo la’aaneed ka jirto inay gaadhsiiyeen booyado biyo ah,waxaanu yidhi “Waxaan soo gaadhsiinay laba booyadood oo u soo bixiyey ILLAAHAY kheyr ha siiyee Mustafe Siciid Suuri, Caaqilka Hindida iyo Carabta gobolka Saaxil”

 

Jiif Caaqil Rafiiq ayaa sheegay in xaflad dhawaan ay qabsadeen ay ku ballanqaadeen inay 10 booyadood kaga qeybqaadan doonaan gurmadka loogu jiro samato bxinta dadka iyo duunyada abaaruhu ku dhufteen, baaqiga hadhayna ay ku wareejin doonaan Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha.

 

Suldaanka guud ee Qoomiyadda Carabta Suldaan Siciid Maxamuud Cali oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay booyado biyo ah soo gaadhsiiyeen deegaankan Dhamalka oo abaar xumi ay ka jirto, isagoo raaciyey inay gurmad kale oo booyado biyo ah kaga qeybqaadan doonaan deegaanada Bariga iyo Galbeedka dalka.

Suldaan Siciid ayaa ugu baaqay Guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha iyo qurba-jooga inay u soo gurmadaan deegaanka Dhamalka oo biyo-la’aan ba’ani ay ka jirto iyo deegaanada kale ee dalka.

 

Dhinaca kale, dadka ku nool deegaanka dhamalka oo hadal ka jeediyey ayaa si weyn ugu mahadceliyey Qoomiyadaha Hindida iyo Carabta   ee kaalmada booyadaha biyaha ah  soo gaadhsiiyey, isla markaana ALLE uga baryey dadka soo bixiyey inuu ka abaalmariyo, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa, “Waanu u mahadcelinaynaa dadka labada booyadood ee biyaha na soo gaadhsiiyey. Deegaanku wuu ballaadhan yahay, ceelal biyo ma laha, xukuumada iyo ganacsatadaba  waxaanu ka codsanaynaa inay gurmad na soo gaadhsiiyaan.”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply