Isku-aadka Wareegga 16aad ee Kooxaha Europa League oo la Shaaciyay

0
511

Isku-aadka wareegga 16ka tartanka Europa League ayaa lasoo saaray, kaddib markii lasoo gabo-gabeeyey marxaladdii hore ee isree-reebka tooska ah.

Magaalada  Nyon ee waddanka Switzerland ayaa lagu qabtay xafladda isku-aadka, waxaana isku beegmay naadiyo waaweyn, hase yeeshee kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa imtixaan fudud mari doonta kaddib markii ay soo dul-tallaabsatay Napoli wareeggii hore.

Barcelona ayaa u safri doonta waddanka Turkey oo ay kula soo ciyaari doonto Galatasaray, taas oo markeedana ay ku qaabbili doonto Camp Nou.

Kooxda reer Germany ee RB Leipzig ayaa ka baaqsan doonta inay tagto waddanka Ruushka kaddib markii ay isku dhaceen Spartak Moscow, waxaana lugta hore lagu ciyaari doonaa garoonkeeda, halka ciyaarta labaadna ay noqon doonto mid garoon dhex-dhexaad ah lagu dheelo, sida ay UEFA go’aamisay maanta.

West Ham United ayaa af-libaax gashay, waxaanay isku dhaceen Sevilla FC oo ah kooxda ugu khibradda badan tartankan, uguna guulaha badnayd 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, halka Atalanta oo Talyaani ah ay afka iska galeen Bayeyrn Leverkusen.

Isku-aadka wareegga 16ka Europa League oo dhamaystiran

Rangers vs Red Star Belgrade

Braga vs Monaco

Porto vs Lyon

Atalanta vs Bayer Leverkusen

Sevilla vs West Ham United

Barcelona vs Galatasaray

RB Leipzig vs Spartak Moscow

Real Betis vs Eintracht Frankfurt

Goorma ayaa la ciyaarayaa wareegga 16ka?

Laba toddobaad oo isku xiga ayaa la ciyaari doonaa kulamada wareegga 16ka Europa League, waxaana labada khamiisood ee ka dambeeya kulamada Champions League ee labada toddobaad ee isku xiga lagu soo gabogabayn doono horraanta  bisha March.

Kulamada Lugta hore ayaa  la ciyaari doonaa March 10, hase yeeshee waxa jiri doona kulamo la dheeli doono Arbacada March 9.

Lugta labaadna waxa la ciyaari doonaa 17ka bisha March.

Leave a Reply