Kharashka iyo Farsamooyinka Sirdoonkii Caalamka!

0
649

Mashruuca Acoustic Kitty wuxu ahaa barnaamij hay’adda sirdoonka Maraykanka CIA ay u adeegsan jirtay basaasidda iyo inay xogo ka hesho guriga Kermilinka ee Ruushka looga aramiyo iyo dhamaan safaaradaha Ruushka badhatamaha qarnigii hore.

Mashruuca Kitty waxa loo adeegsan jiray Bisado ka dib markii dhakhtar xoolaha qaabilsani uu ku beeray dhuunta dhegta bisadda mikirfoon  iyo gudbiye wireless ah isagoo siliig yar oo khafiif ah oo codka gudbinaya dhakada bisadda keenay.

Arinkan ayaa u sahlayay bisadda inay duubto weedhaha ay is weydaarsanayaan kooxaha ay ag joogto isla markaana ay u gudbiso xarumaha sirdoonka CIA Maraykanka.  Laakiin mushkiladda kale ee soo baxday ayaa iyana noqotay bisaddaha qof si  joogto ah raashin u siinaya.

Mr. Victor Marchettioo oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsanaa xarunta sirdoonka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in mashruucan ay ku baxday lacag dhan 20 Milyan doller.

Hawshii ugu horaysay ee lagu dhegaysto mashruuca Kitty wuxu ahaa marki ay bisadi soo gudbisay weedho dhex maray laba nin oo joogay beer ku taalla xarunta Ruushku ku lahaa Washington kana tirsanaa saraakiisha Ruushka.

Robert Wallace oo ahaa agaasimihii hoe ee xafiiska adeegyada Farsamada ee CIA ayaa sheegay sanadkii 2013 in mashrucaasi gebi ahaantiiba la joojiyay sanadki 1967 , ka dib marki ay adkaatay sidii bisadaha loogu tababari lahaa sirdoonka iyo weliba iyadoo ay adkayd raashinkooda sida ay ku helayaan.

Leave a Reply