Wasiirka Arrimaha Dibedda oo soo Gunaannaday Tababar Dublmaasiyadeed u socday Safiirada Dalka u Jooga Caalamka

0
554

Berbera-(Dawan):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xalay soo gunaanaday shir tababar dublamaasiyadeed ahaa oo muddo todobaad  ah safiirrada Somaliland ee caalamka uga socday Bebera.

Wasiir Dr Ciise oo hadal ka jeediyey kulankii xidhitaanka ayaa sheegay in xiisihii dunida ee Somaliland si xawli ah ku soo kordhayo xilligan, isla markaana  casharada ay barteen noqon doonto khariidadda ay ku wada shaqeyn doonaan mustaqbalka.

“Dalkan maalinba maalinta ka danbaysaa xiisaha iyo xidhiidhada adduunyadu ka damacsan yihiin si xawli ah ayuu u soo kordhayaa. Casharadda aad halkan ku baranayseen muddada todobaadka  ah waxa ay noqon doontaa khariidadda (Roadmap) aynu ku wada shaqayn doono”

Wuxuu sheegay in ujeedooyinka  tababarka ay qeyb ka ahayd in safiirada dhexdoodu isbarasho yeeshaan, sidoo kalena isaga ay is-bartaan, maadama madaxda ugu sarreysa Wasaaradda Arrimaha dibeddu muddo kooban xilka Wasaaradda hayeen.

Maayirka Berbera  Cabdishakuur Maxamuud Ciddin oo hadal ka jeediyey ayaa u rejeeyey Safiirada in aqoonta ay ka korodhsadeen Berbera isbedel cusub keeni doono, waxaanu yidhi, “Waxaan ALLE ka baryayaa in nuxurka shirkan kasoo baxay uu wax wayn ka bedeli doono xidhiidhka ay Somaliland la leedahay caalamka intiisa kale”

Safiirka  Somaliland ee dalka Canada Luul Axmed Cismaan oo magaca safiirada ku hadlaysay ayaa ka mahadcelisay tababarka muddada u socday, isla markaana sheegtay inay ka faa’iideysteen, waxaanay tidhi, “Aniga oo ku hadlaya afka safiirada aad iyo aad ayaanu uga faa’iidaysanay casharradii ay nala wadaageen khubaradu ”

Dhinaca kale, shirka tababarka Diblomaasiyadda ee Safiiradda Somaliland ee caalamka ayey khamiisti warbixino ka jeediyeen Wasiiro kala duwan oo xukuumada ka tirsan.

 

 

 

 

Leave a Reply