Culimadda oo Bulshada ugu Baaqay inay is Cafiyaan kana Qeybqaataan Gurmadka Abaaraha

0
422

Hargeysa-(Dawan):-Culimadda dalka ayaa qudbadahii Salaadda Jimcaha ee shalay si weyn uga hadlay xaaladda abaarta ee dalka ka jirta isla markaana bulshada ugu baaqay  inay ALLE SW dembi-dhaaf weydiistaan, oo isa-saamaxaan, isla markaana ka qeybqaataan gurmadka abaaraha.

Sheekh Maxamed Aadan oo qudbadii jimcaha shalay ka jeedinayey Masaajidka Cali-Mataan ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaalada abaaraha dalka, una soo jeediyey ummadu inay isa-saamaxaan, ALLE-na u soo noqdaan, isagoo raaciyey in asbaabaha ILLAAHAY raxmaadkiisa iyo nimcadiisa ummada u siiyo ay ugu horreyso dembi-dhaafka iyo inay IILLAAHAY SW u soo noqdaan, waxaanu yidhi,

“ILLAAHAY SW wuxuu yidhi dembi-dhaaf I weydiista,” isagoo ALLE  inoo soo raraya hadalkii Nebi Nuux qoomkiisa kula hadlayey, “ALLE dembi-dhaaf weydiista, dembiguu dhaafaaye.”

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey faa’iidada laga helo marka ummadu dembi-dhaaf weydiisato ayaa sheegay, sida RABBI Quraanka inoogu sheegay “Samada iyo cirka raxmadiisa roobka ayuu idiinka soo dejin. Waxaanu idiin furi doonaa maalka iyo ubadka.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ummadu ku jirto wakhti adag oo xaalado abaareed iyo maciishada oo qaali noqotay iyo sicir-barar taagan yahay, waxa lagaga badbaadi karaa, lagagana bixi karaa inay nidhaahno inta Nebi Nuux CS yidhi, “ALLE dembi-dhaaf weydiista.”

Waxuu u soo jeediyey ummada Somaliland inay dadka dhibaatooyinka abaaruhu saameeyeen iyaga iyo xoolahooda ay ka qeybqaataan gurmadka loo fidinayo, iyo biyo-dhaamiska oo ah sadaqada ugu wanaagsan ee qof bixiyo, waxaanu yidhi,

“Waxaan soo jeedinayaa, innagoo ILLAAHAY baryeyna inuu dhibka innaga dulqaado, haddana dadka dhibaatadu haysato in wax loo qabto oo la saacido,  ajar weyn ayaa ku jira.”

Waxuu sheegay in camalada ajarka weyn iyo jannooyinka ALLE lagu helo ee jidka siraad lagaga gudbo inay ka mid yihiin in dadka loo naxariisto, oo agoonkii, jaarkii, iyo miskiinka loo naxariisto ayuu ALLE quraanka inoogu sheegay.

Sheekh Maxamed ayaa gebagebadii kula dardaarmay ummada inay ILLAAHAY dembi-dhaaf weydiistaan, dhexdoodana isa-saamaxaan.

Sidoo kale khudbadii Jimcaha ee Masaajidka Ibraahim-dheere ayaa ummada loogu soo jeediyey inay gurmadka biyo-dhaamiska ka qeybqaataan, oo ka mid ah sadaqooyinka ugu ajarka badan, ALLE na dembiyada waaweyn ku dhaafo.

Masaajidada dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyey salaadaha lagaga akhrinayey ducooyinka roob-doonta iyo inuu RABBI SW xaaladaha ba’an ee abaaraha ka soo jebiyo dalka iyo guud ahaan deegaanada ummada islaamka, raxmaadkiisa roobkana arlada ku maansheeyo.

 

 

Leave a Reply