Arsenal oo ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxeexa Robert Lewandowski’

0
476

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay kooxaha doonaya saxeexa xiddiga weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Robert Lewandowski suuqa xagaaga.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa galay labadii sano ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Bundesliga ka ciyaarta kuwaas oo aan wali wadahadalo heshiis cusub ah la furin.

Lewandowski ayaa sheegay in uu u furanyahay wax walba xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa waxana lala xidhiidhinayay kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid, Man United iyo Man City.

Haatan FourFourTwo ayaa sheegaysa in ayna Bayern Munich diyaar u ahayn in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga marka loo eego da’diisa taas oo heegan galisay Arsenal.

Gunners ayaa waayi doonta xiddigaha Alexandre Lacazette & Eddie Nketiah waxana ay Xiddiga Lewandowski u aragtaa xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxda

Leave a Reply