Barca oo Isku Diyaarinaysa Shan Saxeex oo Waaweyn oo Xagaaga Imanaya Camp Nou

0
473

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dib ugu soo laabanaysa suuqa iibka ciyaartoyda marka la gaadho xagaaga, bilo kaddib markii ay dhawr ciyaartoy oo si weyn sare ugu soo qaaday ay lasoo wareegtay suuqii January.

Dhamaadka xilli ciyaareedkan socda ayay Xavi Hernandez iyo Joan Laporta ay qaadi doonaan tallaabadii labaad ee dibu-dhiska  kooxda, waxaanay isku diyaarinayaan in Camp Nou ay keenaan shan ciyaartoy oo waaweyn oo ay naadiyo kale ku dagaallami doonaan.

Wargeyska Fichajes ayaa soo bandhigay xiddigaha u calaamadsan Barcelona ee ay magacyadoodu saaran yihiin miiska xafiiska Joan Laporta ee ay waqti horeba isla daraaseeyeen Xavi Hernandez oo isaguna si buuxda ugu qancay.

Ciyaartoydan waxa kaalinta koowaad ama ugu horreeya weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo ay Barcelona doonayso inay qasnaddeeda u jabiso, isla markaana ku garaacdo kooxo waaweyn oo kula xafiiltamaya.

21 jirkan ayaa la rumaysan yahay inuu diyaar u yahay inuu ka tago Borussia Dortmund, waxaana wakiilkiisa Mino Raiola ay tiroba dhawr jeer kulmeen Joan Laporta bilihii ugu dambeeyey, waxaanay ka wada-xaajoodeen sida uu laacibkani ku iman karayo Barcelona.

Waxa kale oo ay Barcelona doonaysaa difaaca Juventus iyo xulka qaranka Netherlands ee Matthijs de Ligt oo uu wakiil u yahay Mino Raiola, waxaanay wararku sheegayaan in 23 jirkani uu danaynayo inuu iskaga tago Juventus oo sannadkii 2019 uu uga soo wareegay Ajax.

Heshiiska De Ligt iyo Juventus ayaa lagu burburin karayaa lacag gaadhaysa €100 milyan oo Gini, laakiin Barcelona ayaa uu qorshaheedu yahay inay kooxda Talyaaniga kala xaajooto in lacag aad  uga jaban intaas lagga iibiyo, iyadoo haddii ay ka  fursan weydana diyaar u ah inay ciyaartooyo is-weydaarsi ku khafiifiso qiimihiisa.

Ciyaartoyda saddexaad ee ku jira liiska Barcelona ayaa ah Franck Kessie oo khadka dhexe uga ciyaara AC Milan. 25jirkan ayaa is xor ah uga tegi doona Milan bisha June oo uu ku egyahay qandaraaskiisu, waxaanu hore iskaga diiday dalabyo heshiis kordhin oo ay u samaysay Rosonneri.

Liiska Barcelona intan uun kuma eka, waxaana sidoo kale ku jira Paul Pogba oo kaliya haddii ay ku guul-darraystaan Franck Kessie ay qorshaynayaan inay isku dayaan saxeexiisa, iyadoo 28 jirkan Faransiiska ah uu xor ka noqonayo Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga shanaad ee liiskan ku jira ayaa isaguna ah Andreas Christensen oo difaaca dhexe uga ciyaara Chelsea, isla markaana heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa isku dayaysa inay 25 jirkan kusii hayso Stamford Bridge, hase yeeshee maalmo ka hor ayuu laacibkani sheegay inay aad  u kala fog yihiin kooxdiisa oo ay adag tahay in heshiis ay gaadhaan.

Leave a Reply