Xaqiradda Iyo Yasidda Ayaa Huriya Colaadda!

0
582

Bishii June 28, sanadkii 1914 ayuu bilaabmay dagaalkii kowad ee dunida waxaana sabab u ah markii la dilay boqorkii “Archduke Franz Ferdunand” oo u talin jiray dalkii wakhtigaasi loo yaqaanay Austeria-hungry oo ku yaalla badhtamaha Yurub.

Boqorka iyo gabadhiisu waxa ay booqasho ku marayeen magaalada Sarayeefo oo dalka Bosniya oo wakhtigaasi ka tirsnayd dhulweynaha Serbiya. Waxaana bastoolada ku toogtay isaga iyo gabadhiisa nin lagu magacabo Mr.Beidro oo hore loogu diiday inuu ka mid noqdo ciidanka dalkaasi iyadoo sabab looga dhigay inuu gaaban yahay.

Beidro oo maakhayda fadhiya isla markaana cuqdad xun ka qaaday sida abuurkiisa loogu diiday in shaqo uu jecel yahay la siiyo ayaa Markii Boqora iyo gabadhiisu gaadhigooda suuqa ku mararyeen bastoolada ku dhuftay.

Dagaalkan waxa ku dhintay dad gaadhaya 17 milyan oo 7 milyan ay ciidan ahaayeen halka inta kalen aya ahayd shicib. Cadhadii waad gaaban tahay lagu yidhi ayaa keentay dagaalka, waxaana ay noqotay kelmad sababtay inay malaayiin qof u dhintaan darteed.

 

Leave a Reply