Garsoorkii Cadaga Noqday!
Sanadkii 1913 ayaa dalka Maraykanka lagu dilay nin cadaan ah oo da’ ahaa, kaasi oo degenaa gobolka Carolina. Hubka loo adeegsaday dilka odayga waxa lahaa nin kale oo bulshada caddaanka ka mid ah oo lagu magaciisa lagu sheegay Mr.Monk Stevenson, waana sida uu boliisku soo bandhigay.
Haddaba laba nin oo ka tirsanaa bulshada dadka madow oo walaalo ah isla markaana ahaa kuwa ugu qanisan dadka madaw ee degan gobolka ayaa kiiska dilkaasi dusha laga saaray.
Markii maxkamadda la keenay labadii nin ee walaalaha ahaa isla markiiba garsoorayaasha ayaa dil ku xukumay, iyadoo sababtu ahayd in garsoorayaashu aanay raali ka ahayn in dadka madoobi ay Maraykanka taago ka mid ah ay yeeshaan. Waxaana si degdeg ah lagu fuliyay dilkooda kursiga laydhka ah. Laakiin 100 sano ka dib ( hal qarni) sanadkii 2013 ayay taariikhyahandu caddeeyeen in labada nine e madaw ee walaalaha ahaa aanay haba yaraate wax denbi ah gelin isla markaana sababta loo dilay ay ahayd cunsuriyadda iyo nacaybka dadka madow oo wakhtigaasi aad u xooganayd. Cadaaladda Maraykanka waxba iskama bedelin , waxaana weli socda cunsuriyadda madowga iyo dilalka joogtada ah.

























