Marcelo oo ka Hadlay Mustaqbalkiisa Real Madrid, Farriina u Diray Kooxda

0
422

Iyadoo qandaraaska Marcelo ee Real Madrid uu ku eg yahay 30-ka June ee sannadkan, xiddiga reer Brazil ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee kooxda Real Madrid.

Laakiin marka loo eego in uu inta badan waayihiisa ciyaareed ku qaatay kooxda, 33 jirkaan ayaa ku riyoonaya inuu ciyaaraha kaga fadhiisto Kooxda Ku Ciyaarta Estadio Santiago Bernabeu.

“Anigu waan daganahay”Marcelo ayaa yidhi markii wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa.

“Tani waa kooxdayda, waxa aan doonayaa in aan ciyaaro ilaa inta wiilkaygu uu korayo si aan ula ciyaaro waxa aan doonayaa in aan ka sii ciyaaro heerka ugu sareeya”.

“Haatan waxa aan ciyaari doonaa kulamo muhiim ah, waxana aan ahay kabtanka kooxda ugu fiican adduunka”.

“Anigu kama fikirayo wakhtiga soo socda wax walba mar ayay dhamaadaan, waxa aan jecelahay in aan halkan ciyaaraha kaga fadhiisto laakiin aniga go’aanku iguma xidhna”ayuu sii raaciyay.

 

 

Leave a Reply