Guddida Abaaraha oo Xadhiga ka Jartay Riigag Biyo Macaan, Lacago Caddaan ahna Ku Wareejiyey 4 Gobol

0
421

 

 Madaxweyne-xigeen Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayay oo lacago ku dhow 300 kun dollar biyo-dhaamis ah wareejiyey.Caynaba (Dawan)- Madaxweyne-ku-

xigeenka Jsl Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ibraahim (Saylici) iyo wefdi uu hogaaminayo oo kormeer xaaladaha abaareed ku maraya goboladda Barriga ayaa xadhiga ka jaray laba riiig cusub oo Degmada Caynaba & Degmada Shansha-cade laga qoday, kuna wareejiyey qaadhaankii gurmadka biyo-dhaamiska dhaqaale gaadhaya 300 kun dollar, Guddiyadda Abaaraha afar.

Wefdiga Madaxweyne-xigeenka Md Saylici oo ka hadlay xadhig ka jarka riiga Shansha-cade ayaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Md Siciid Sulu boo ka hadlay ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka oo uu sheegay inay isku tashadeen, isla markaana guddi ay samaysteen u dhiibeen qaadhaan loogu tallogalay in rig loogu qodo, waxaanu yidhi, “Waxaan bogaadinayaa shacabka shansha-cade oo gartay inay qaadhaan loogu qodo riiga dhexdooda ka uruuriyey.” Waxuu sheegay inaan Wasiirka Biyaha Md Cali Mareexaan oo deegaanka ka soo jeeda ugu suurtowdeen muddadii koobnayd ee u joogay inuu riigga u qodo, haddaanu helin is-garab-taagga bulshada.

Madaxweyne-xigeen Md Saylici iyo xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka abaaraha oo maalmahii u dambeeyey socdaal kormeer ku marayey Gobolada Barriga Somaliland oo shalay gaadhay gobolka Saraar, magaalo-madaxdiisa Caynaba ayaa dhaqaale gaadhay 71,000 kun dollar, oo ku qiimaysan 300 oo booyadood biyo ah ku wareejiyey Guddiga gobolka Saraar, qaadhaankii ay xukuumaddu ugu talo gashay gurmadka xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka, waxaanay xadhigga ka jareen riigga cusub ee ay xukuumaddu ka hirgelisay duleedka Caynaba, kaas oo biyo macaan laga helay.

Md Saylici oo ka hadlayey madal uu dhaqaalahii biyo dhaamiska gobolka Saraar ugu wareejinayey Gudoomiyaha Gobolka Saraar, isla markaana ah Gudoomiyaha guddiga Gurmadka abaaraha gobolka ayaa sheegay inuu ku wareejinayo dhaqaale gaadhaya kow iyo todobaatan kun dollar oo u dhigma 300 oo booyadood.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo qaadhaan lacageed oo gaadhaya $34500 (Afar iyo soddon kun iyo shan Boqol) oo doollar oo ay xukuumaddu kaga qaybqaadanayso taakulaynta abaaraha ku wareejiyey maamulka gobolka Buuhoodle, ayaa hore Gobolka togdheer iyo Daad-madheedh ugu soo wareejiyey qaadhaanka biyo-dhaamiska ah. Munaasibadda wareejinta deeqdan oo ka qabsoonta degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku ku faray maamulka gobolka iyo degmooyinka hoos yimaaddaba inay bulshada abaartu hayso la gaadhaan biyo degdeg ah oo ay harraadka kaga baxaan.

Guddiga xukuumada Somaliland ah, oo u hogaaminayo Madaxweyne xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ibraahin (Saylici), oo xubno ka ahaayeen Guddiga Wasiirka Deegaanka Marwo Shurgri Xaaji Baandare, Wasiirka Biyaha Md. Cali Maxamed Xasan (Cali-Mareexaan), Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Md Siciid Sulub, iyo Gudoomiyaha Hay’adda U-diyaargarowga aafooyinka & Keydka Raashinka Md. Faysal Cali Sheekh oo socdaal la xidhiidha xaalada abaaraha ee goboladda Barriga ku marayey goboladda Barriga oo soo maray dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Togdheer ayaa xilligan maraya Gobolka Saraar, ayaa la filayaa inay u sii gudbaan gobolka Sool iyo Sanaag.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here