Dadkeena Nugul in aynu Ogaanaa waa Muhiim”

0
507

 

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Guud ee ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in loo baahan yahay in la caawiyo oo la ogaado dadka nugul ee jilicsan, taas oo uu tilmaamay in ay tahay arrin muhiimad weyn leh.

Agaasimaha Guud ee ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta togan ee ay abaaraha soo noqnoqdaa ku yeesheen dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhibaatada ay ku keento bulshada nugul.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yihdi “Guud ahaan marka laga hadlayo abaaraha, si guud ayaynu uga hadalnaa bulsho ahaan dhibaatada ay inagu hayaan, laakiin dadkeena jilicsan ee u nugul saamaynta abaaraha in aynu sii gudo galno oo aynu sii ogaanaa waa arrin aad u wacan. Hadday noqoto saaamaynta ay ku yeelanayso waxbarashada, caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee nolosha asaasiga u ah.”

“Bulsho ahaan waxaynu u baahannahay in aynu laba arrimood wax iska waydiino. Marka koobaad abaarahan sannad kasta soo noqnoqanaya ee sannad walba taagan ee dhibaatadas inagu haya, dawlad ahaan ama bulsho ahaan ba, sannad walba abaar ayaa ina soo marta, sannad walba gurmad ayaynu samaynaa oo dhaqaale badan ayaa ku buxa, waxaynu u baahanahay arrimahaa in si qaran looga faa’iidaysto oo aynaan ku baraarugin marka ay dhibaatadu timaade oo qorshe qaran laga yeeshe. Meelaha ugu badan ee ay inaga saamaysana waxaa ka mid ah biyaha, markaa waa in la helo biyo xidheeno waaweyn oo sidoo loo qabsan lahaa biyaha oogada laga dhigo muhiimadda koobaad,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa uu sheegay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay sannadkan ahmiyadda koobaad sii say arrimaha biyaha waxaanu yidhi “Intaan xogogaalka u ahay, xukuummadda madaxweyne Muuse Biixi waxay muhiimadda koobaad ka dhigatay sannadkan biyaha, wasaaradda biyahana waxaa bajadka loo kordhiyay % 85 kharashaadka miisaaniyadda, laakiin weli bajadka wasaaradda iyo deeqaha ay hay’adduhu biyaan inaguma filna.

Qodobka labaadna waa baadkii, cuntadii iyo caafimaadkii xoolaha, markaa in aynu qorshe qaran ka yeelano abaarahaa soo noqnoqda, ugu horrayn biyaha oogada in aynu xidhano iyo bulsho ahaan qaabka aynu u noonlahay. Markaa waxaynu u baahanahay in la yareeyo deegaamaysiga ku xidhan reeraha oo la yareeyo si adeegyada asaasiga ahi ay bulshada u gaadhaan.”

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here