Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Wakiilada oo Kaalmo Biyo ah Gaadhsiiyay Degmada Gar-adag

0
233

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Gar-adag(Dawan:- Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee golaha wakiilada Somaliland Siciid Mire Faarax(Giirre),ayaa soddon boobayadood oo biyo ah gaadhsiiyay degmada Gar-adag ee gobolk Sanaag

Kaalmada Biyaha ah ee uu guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladu gaadhsiiyay degmada Gar-adag,ayuu sheegay in ay tahay waxyar oo ka midha baahida biyood ee deegaanku u  baahan yahay isla markaana loo qaybin doono degmada Gar-adag iyo deegaanada hoos yimaadda.

Waxaanu intaa raaciyay in socdaalkoodu aanu ku ekayn Gar-adag laakiin ay tegi doonaan degmada Ceel-afwayn iyo Ceerigaabo.

Odayaasha iyo waxgaradka degmada Gar-adag ayaa si wayb uga mahad naqay kaalamada biyaha ah ee Guddoomiye ku xigeenka iyo xildhibaanka la socdaa ay degmada gaadhsiiyeen waxaanay sheegeen in ay tahay markii ugu horraysay ee xildhibaan deegaanka laga soo doortay oo codkooda ku soo baxay uu baahida la qaybsado kuna soo noqdo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay kaalmada biyaha ah ee ay nasoo gaadhsiiyeen guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada iyo xildhibaanka kale waxaanan leeyahay waan idinka guddoonnay kol haddaad nagu soo noqoteen oo aad manta noo timaadeen idinkoo gurmad ah oo biyo noo sida oo aan cod naga dooayn waad ku mahad san tihiin waana waxtar aan idinka guddoonay ood noo keenteen wahtigii loo baahnaa.”ayuu yidhi mid ka mid ah waxgaradka degmada Gar-adag oo ka hadlay goobta biyaha uu ku wareejiyay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Maxamuud Saalax Cabdi oo socdaalka biyo gaadhsiinta ku wehelinayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada oo ka hadlay kaalmada biyaha ah ee ay gaadhsiiyeen degmada Gar-adag ayaa sheegay in golaha wakiiladu xiligan  ay fasax ku jiraan isla markaana ay u soo bexeen in ay xaalada nololeed ee dad iyo duunyo in ay xog ogaal usoo noqdaan isla markaana wixii awoodooda ah ay deegaanada ay maryaan ay gaadhsiiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada Somaliland Siciid Mire Faarax oo ugu damban 30  booyadood oo biyo ah ku wareejiyay maagulka iyo odayaasha degmada Gar-adag  oo hadal kooban halkaa ka jeediyay ayaa sheegay in aanay Gar-adag ka noqonayn balse ay tegi doonaan Ceel-afwayn iyo Ceerigaabo.

“Waxaanu u soconaa in aanu xaalada adage e dad iyo duunyo in aanu xog ogaal u noqono duruuftooda eegno sidii duruufaha adage e lagu jiro looga bixi lahaana aanu iska aragno masuuliyiinta degmada waxaanan maamulka degmada aanu ku wareejinay 30 booyadoo doo biyo ah  oo loo qaybin doono degmada iyo tuulooyinkeeda,waxaa kale oo aanu tegi doonaa degmooyinka Ceel-afwyn iyo Ceerigaabo.”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply