Waa Maxay Shuruudda ugu Weyn ee Haaland uu ku kala Dooranayo Kooxaha Yurub?

0
245

Erling Haaland ayaa ku jira jawi deggan oo uu ku dooranayo kooxda xigta ee uu u dhaqaaqi doono iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey uu ku qaadanayo Borussia Dortmund.

Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa aad loola xidhiidhinayaa, halka Barcelona ay tahay kooxda saddexaad ee loollanka adag ku jirta, usbuucyadii ugu dambeeyeyna qaadaysay tallaabooyin ay kula saxeexanayso laacibkan.

Kooxda reer Catalonia ayaa samaynaysa wax kasta oo ay ku qancin karayso 21 jirkan si uu u yimaaddo Camp Nou, waxaanay ka walwalsan yihiin in Real Madrid ay hesho Kylian Mbappe iyo Haaland haddii ay iyagu dedaal ku bixion waayaan.

Inay Real Madrid isku darsato Erling Haaland iyo Kylian Mbappe, waxay Barcelona rumaysan tahay in muddo dheer ay ku qaadan doonto inay la tartami karto Real Madrid, si aanay taasi u dhicina waxay ka shaqaynayaan in Erling Haaland uu yimaaddo Camp Nou.

Sidaas oo ay arrintu tahay, waxa la sheegay in Erling Haaland ay jeebadda ugu jirto shuruud adag oo uu ku xidhayo kooxaha doonaya, isagana ka caawinaysa inuu halbeeg uga dhigo kala doorashadooda.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Erling Haaland ayaa kooxaha doonaya waxa uu ka eegayaa hal dhinac oo ah, sida ay uga caawin karayaan inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, waxaana uu kaliya u wareegi doonaa naadiga uu ka arko inuu u fududaynayo inuu ku guuleysto abaal-marintaas.

Leave a Reply