Hoggaanka Waxbarasho ee Caalamka!

0
294

Fikardda ah in la sameeyo dugsi waxbarasho oo nidaamsan oo ardaydu ay subax kasta timaado iyagoo halkaasi ka helaya macalimiin iyo qalabkii waxbarasho oo dhamaystiran ayaa curatay sanadakii 830 M.

Dugsigii ugu horeeyay waxa laga furay magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq sanadkaasi oo muslimiintu ay ahaayeen quwad xoog badan oo hogaanka dunida awood ku leh. Muddo yar ka dib ayaa Jaamacad iyadana laga furay dalka Morroco taasi oo ay wax ku baran jireen xataa arday ka timaadda dalalka Yurub oo wakhitigaasi heerkooda waxbarasho aad u hooseyey.  Sebenadaas luqadda Carabidu dunida iyada ayaa hogaanka luqadaha ahayd. Waxaana jirtay in ardayda Yurub ka yimi marka ay ku noqdaan dalalkooda Yurub waxa ay adeegsan jireen kelmado Carabi marka ay hadlayaan, sida maanta loo adeegsado kuwo English ah taasi oo ay ku muujinayeen inay yihiin aqoonyahano cilmiga ku soo bartay dalalka muslinka ee aqoonta hogaaminyay..

Leave a Reply