Wuxuu ka Goolal Badan Yahay Mbappe, Haaland iyo Isku Geynta Goolasha Messi iyo Ronaldo

0
344

Dabcan saxaafada kubadda cagta ayaan sida caadiga ah si isku mid ah u hadal hayn ciyaartoyda wacdaraha dhigaya waxaana laga xusi karaa khadka dhexe ee RB Leizpig ee Christopher Nkuku oo xilli ciyaareedkan bandhigyo heer kale ah samayn kara.

Nkuku ayaa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan si heer sarre ah ugu soo ciyaaray Leipzig waxaana bandhigiisa inta ugu badan la xusi karaa uu yahay saddexleydii uu Etihad Stadium kaga dhaliyay Manchester City kulan Champions League ahaa.

Arrinta cajiibka ah ee aan aad looga warqabin ayaa ah in Christopher uu xilli ciyaareedkan soo dhaliyay 25 gool kaddib 36 kulan oo uu RB Leipzig uga soo ciyaaray tartamada oo dhan.

Nkuku ayaa ka goolal badan ilaa haatan xiddigaha sida weyn loo hadal hayo ee Dusan Vlahovic (24 gool), Kylian Mbappe (24 gool) iyo Erling Haaland (23 gool) si lamid ah isku geynta halyeeyada jiilkan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo isku geyntooda xilli ciyaareedkan 22 gool soo dhaliyay.

Kaliya Nkuku ayaan ahayn gool dhaliye wanaagsan balse waxa 25-kiisa gool u dheer 10 caawimo oo uu soo sameeyay. Christopher ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexiisa Manchester United.

Tababaraha kumeel gaadhka ah ee Red Devils ee Ralf Rangnick ayaa u sheegay inay kooxdiisii hore ee Leipzig kala soo wareegaan Nkuku oo aan 50 Milyan oo Pound saxeexiisu kaga badanayn.

Leave a Reply