Wasaaradda arrimaha Gudaha  oo  Degmada Burco ku Qabatay Tababbarka Hoggaaminta Maxaliga Ah.

0
286

Burco (Dawan)  – Wasaarada Arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa degmada Burco ee gobolka Togdheer ku qabatay tobabarka hogaaminta maxaliga ah, oo ay ka faa’iidaysanayaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka Burco, Sheekh, Oodweyne, Caynaba, Laascanood, Ceerigaabo, Buhoodle, Xudun iyo Taleex.

Wasaaradda arrimaha gudaha oo kaashanaysa haya’dda qarmada midoobay ee UN Habitat ayaa qabanaysa tabobarkan waxaana xubanaha golaha deegaanka degmooyinka bariga Somaliland lagu baraya hoggaaminta maxalliga ah. Waxaana uu socon doonaa muddo shan cisho ah.

Agaasimaha waaxda degmooyinka iyo gobollada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somalialnd Maxamed Axmed Daalin iyo madaxa mashruuca UNPLG-ga ee hay’adda UN Habitad Axmed Aadlan Yuusuf ayaa sheegay in xubnayaasha golaha deegaanka ee degmooyinka bariga Somaliland ay ku baran doonaan tabobarkan waxyaabo la xidhiidha shaqadooda, gaar ahaan hoggaaminta maxaliga ah iyo sida go’aannada loo sameeyo.

Badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahin (Nafaqo) iyo maayar ku xigeenka degmada Burco Mukhtaar Cabadi Maxamed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan martida cusub ee gobolka timid, isla mar ahaantaana ay ku dhiirgelinayaan inay korodhsadaan aqoon ku saabsan nidaamka hoggaaminta maxalliga ah.

Leave a Reply